WorldRemitAds

Ragga Ayaa 60% ka noqday dadka deraasaddan lagu sameeyay ee Wadne-Xanuunku Ku Dhacay  

Ugu yaraan saddex kun (3000) oo qof ayaa Cusbitaal Guud ee Hargeysa u tegay xanuuno Wadanaha la xidhiidha ilaa bishi January ee sannadkan 2023.

Sidaas waxa lagu sheegay warbixin-sannadeedka rasmiga ah ee Hargeisa Group Hospital (HGH), taas oo sida ka muuqata jaantuska macluumaadka deraasad ay samaysay waaxda Xanuunadda Wadnaha ee HGH muddo siddeed bilood ah gudahood (April ilaa December 2023) Cusbitaalka Guud ee Hargeysa loo soo jiifiyay 124 qof oo Bukaan  dhinaca wadnaha ah kuwaasi oo boqolkiiba lixdan (60%) ahaayeen Rag halka boqolkiiba afartanka kale (40%) haween ka aahaayeen.

SomlegalAds

Deraasad iftiimisay Heerka Wadne-Xanuunku Marayo Hargeysa Lixdii Bilood Ee U Dabeeyay 2023Saddex iyo siddeetan (83) ka mid ahaa 124-ka bukaanka ah ee qaybta Wadnaha ee Cusbitaalku baadhista ku samaysay waxa lagu ogaaday in wadnahoodu hawshii gabay ama ilaa xad yareeyay shaqadiisii (Heart Failure).

Deraasad iftiimisay Heerka Wadne-Xanuunku Marayo Hargeysa Lixdii Bilood Ee U Dabeeyay 2023Sida ay iftiimisay baadhista lagu sameeyay Bukaankani sababaha keenay ayaa kala ah:

  1. Deraasad iftiimisay Heerka Wadne-Xanuunku Marayo Hargeysa Lixdii Bilood Ee U Dabeeyay 2023In xididada dhiigga siiya wadnuhu ay waraabin karin dhiig ku filan ama awdmaan, kuwaas oo heerar kala duwan mara (ischemic heart disease).
  2. Xanuunka Dhiigkarka
  3. Xanuunada la xidhiidha Khalkhalka garaaca wadnaha (cardiac Arethmia)
  4. Xanuunada ku dhaca (Valvular Heart Diseases) haniyaha wadnaha ama ilinka labada dheg-yar (ventricular valves) iyo labada calool-yar (atrium valves) xididka Gadhka wadnaha (Aortic and polmonery Valves).

Deraasad iftiimisay Heerka Wadne-Xanuunku Marayo Hargeysa Lixdii Bilood Ee U Dabeeyay 2023Sida warbixintan ku cad bukaankan baadhitaanka lagu sameeyay ay boqolkiiba afartan ilaa konton (40-50%) ahaayeen kuwo da’doodu ka weyn tahay 60 jir, halka ay kaalinta ku xigta soo galeen da’da u dhexaysa 40 ilaa 60 jirka, hase yeeshee dadka da’doodu ka yar tahay 40 jirku ay tiradoodu ka hoosayso oo ay noqdeen 21-26% boqolkiiba kow iyo labaatan ilaa  lix labaatan).

Macluumaadkan oo ku qeexan Jaantuska qoraalkan ku lifaaqan waxa ila wadaagay Dr Nuux Ismaaciil Bootaan.

Waxa fasiray Dr. Maxamuud Caqli Nuur MBBS EMT MPH. (PHC Physician Mohd Somaliland)

U gaar ah SaxafiMedia