WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 19, 2016 (Saxafi) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay in xanuunka Shuban Biyoodku ka jidro deegaanada Somaliland qaarkood, kaas oo ay sheegtay inay sababeen Abaaraha adag ee ka jira deegaano farabadan oo Somaliland ah, iyadoo wakhtiyada abaaruhu jiraan uu cudurkani soo baxo.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleemaan Jaamac Diiriye oo warbaahinta dalka ayaa sheegay inay deegaanada ka mid ah Somaliland ay ka jiraan cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo weliba cudurka Oof-wareenka, kuwaas oo ka dhashay abaaraha dalka Somaliland ku dhuftay.

“Dalka waxa ka jira abaaro ba’an, abaarahaana waxa ka dhasha xanuuno kala duwan oo ay ugu horeeyaan shuban biyoodka, Oof-wareenka, iyo wax-yaabaha keena nafaqo daradda” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland..

SomlegalAds

Mr. Saleebaan  Jaamac Diiriye oo ka waramaya inta ay le’egtahay tirada dadka uu asiibay cudurka shuban-biyoodka iyo deegaanada dalka ee uu ku badan yahay, ayaa waxa uu yidhi “Meelo badan oo kala duwan waddanka waxa ka jira shuban, Barri iyo Galbeedkaba wasaaraduna way la socotaa maalin kasta waxa la soo saara warbixin subax leh ah (daily Report) hawlwadeenada wasaaraddu ku wada xidhiidhaan, meelaha Wajaale iyo Dilla u dhexeysa shuban kama dhicin, Boorama inan baa ku dhintay Jaamacadda dhigan jiray Alla ha u naxariisto kaligii qol deganaa oo aanay cidi ogayn markaa”.

Agaasimaha Guud oo sii sharaxaya cuduradan jira maalintii inta qof ee uu ku dhaco waxa uu yidhi “Dadka cudurku ku dhaco Shubanku wuu is bed bedelaa, laakiin celcelis ahaan maalintii waxa uu ku dhacaa toban (10), ugu badnaana saddex iyo toban (13) qof, oo iskugu jira shubanadda oo kala duwan shuban biyood iyo shuban dhiig, wax faraha ka baxayna maaha, waa wax la kaantarooli karo waa wax gacanta lagu hayo, markaa marka ay arkaan qof shuban biyood hayo waa inayna faraha la galin ee la soo xidhiidhaan goob caafimaad ee ugu dhow”

Sidoo kale, mar uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland uu sharaxayey waxyaabaha fidiya shuban biyood waxa uu yidhi “Waxyaalaha sii fidinaya shubanku waa xoolaha bakhtiyey ee meelahaasi yaalla, waxaan ka codsanayaa dawladaha hoose ee dalku inay xil weyn iska saaraan nadaafadda iyo basrinta xoolaha bakhtiyey.”

Sida la ogyahay oo uu wargeyska Saxafi hore u baahiyay bishii hore, ilaa laba qof ayaa deegaanada Wajaale ugu dhintay xanuunka Shuban-biyoodka, kaas oo sida aanu wargeyska hore ugu baahinay ay dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta Wajaale ay sheegeen in uu Wajaale kaga soo fiday dhinaca dalka Itoobiya, maadaama ay Wajaale xudun u tahay xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.