WorldRemitAds

“Waxaan Leeyahay Ragga hoggaaminta talada dalka ku hirdamaya, hadba kii bursada ama ay raacaan Dhallinyarada iyo Haweenku ayaa reerka u hadha”

Hargeysa, Somaliland, December 19, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo oo shalay ka qaybgalay Shirweynaha garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye oo ka furmay Maansoor Hotel ee Hargeysa, ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay in dhallinyarada iyo haweenku ay yihiin kuwo keliya isbedelka keeni kara, isla markaana kolba xisbiga ay raacaan guulaysan doono, waxaanu Madaxweynuhu qiray in dhallinyarada iyo haweenku ahaayeen kuwii horseeday guushii KULMIYE ku guulaystay talada dalka sannadkii 2010.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo khudbadiisan ku sheegay inaanay Xukuumaddiisu wadin ama ku hawlanayn muddo-kordhin loo sameeyo, isla markaana ay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomi doonto.
Khudbadda Madaxweynaha Somaliland halkaas ka jeediyay oo ahayd mid miisaan leh, ayaa waxay u dhignayd sidan: “Mas’uuliyiinta Qaranka, Madaxda Xisbiga Kulmiye, Mudanka Dhallinyarta, iyo Marti-sharafta Milgaha leh ee isugu timi Madashan, dhammaantiin Nabad-galyo iyo Naxariis Eebe korkiina ha ahaato (Asalaamu Calaykum, Wa-raxmatulaahi Wa-barakaatu).
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, inaan ka soo qayb-galo Shirweynahan Dhallinyarada Xisbiga Kulmiye, ee ka kala yimi Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.
Duco-qabayaal,
Waxa hubaal ah, in Dhallinyarada Dalka ee aad ka midka tihiin, ay yihiin labeenta, laxaadka, iyo laf-dhabarta uu ku faanayo qarankan yagleesha ah, ee loo soo daadiyey dhiigga iyo dhididka faraha badan.
Ummad aan da’yar lahayn, waxay ka dhigan-tahay beer aan baad iyo biyo toonna lahayn.
Haddaba, aniga oo ka faa’iidaysanaya munaasibaddan, waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo hawada u mariyo, dhammaan Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, dedaalka, iyo doorka ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, fidinta aqoonta, kobcinta dhaqaalaha dalka, taaba-gelinta iyo difaaca qarannimada.
Waxaan leeyahay,
Adeerayaal iyo awoowayaal, halkaa ka sii wada dedaalka, isku-duubnida iyo ilaalinta danaha guud ee dalkeenna.
Waxaan idin leeyahay, wixii tagay tiigsimaad ma leh, ee waxa tallo iyo tacab inooga baahan maanta iyo berito.
Kulmiye wuxuu ahaa, ururkii ugu da’da yaraa, uguna danbeeyey toddobadii urur ee la diiwaan-galiyey, isla sannad-kaana wuxuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii Dawladaha Hoose.
Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay, midnimada iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, ujeeddadiisa ugu weyn, ee uu hiigsanayaa waxaa bartilmaameed u ah, dhismaha iyo dhidibo-u-taagidda Qaran diimuqraadi ah oo leh hannaan iyo haybad dawladnimo oo ay mahadiyaan muwaadiniintiisu.
Xisbiga Kulmiye, oo ah maanta Xisbul Xaakim, wuxuu talada Dalkan ee uu hantay u soo maray jid dheer oo uu sahay uga soo dhigtay sabir, dulqaad, tanaasul, tudhaale, tallo wadaag iyo tawfiiq.
Siyaasaddaa suuban ee bisaylka badan lihi, waxay raadaysay aqlabiyadda bulshada Somaliland, gaar ahaan, Dhallinyarada iyo Haweenka oo ahaa taageerayaashii ugu badnaa, ee horseeday guushii Xisbiga Kulmiye talada dalka ku haaneeday.
Mar labaad, waxaan jecelahay, inaan si balaadhan ugu mahad-celiyo dhallinyaradii muddada dheer i taageeraysay, isla-markaana Xisbiga Kulmiye barbar-taagnayd.
Murti-soomaaliyeed ayaa tidhaahda
“Ninka iyo Jiilaalku way is-hayaan, Waxaase Adkaada Hadba Kii ay Haweenaydu Raacdo”
Waxaan leeyahay Haweenka iyo Dhallinyaradu waa Bardaanka iyo Bud-dhigga Siyaasadda Somaliland. Sidaa darteed, ragga hoggaaminta talada dalka ku hirdamaya, hadba kii bursada ama ay raacaan ayaa reerka u hadha.
Duco-qabayaal,
Waxaa hubaal ah, in aynu xaqiijinay hadafkii iyo himilooyinkii Xisbiga Kulmiye.
Waxa hubaal ah, in Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay taaba-galisay horumar balaadhan, iyo is-beddel la taaban karo.
Adeerayaal iyo Awoowayaal,
Waxaan idin leeyahay, taageeradiinii Xisbiga Kulmiye, ma noqon tacab khasaar, ee waa lagu tanaaday. Waxaan idin leeyahay, taas baa guul idiin ah, dhammaanteena guul inoo ah.
Duco-qabayaal,
In kasta oo ay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye wax-weyn qabatay, hadana waxa dhab ah inaan muddo xileed keliya wax walba lagu xaqiijin karin.
Haddaba, si aynu halkaa uga sii ambaqaadno wax-qabadka iyo horumarka aynu seeska u dhignay, waxaan dhammaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqayaa inay si buuxda isu-garaB-taagaan Musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada.
Waxaan u arkaa, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Mudane, Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi, in ay yihiin hoggaamiyayaal ku munaasib ah, in ay halkaa ka sii wadaan hamigaygii siyaasadeed iyo himilooyinkii Xisbiga Kulmiye uu ku doojin lahaa dalkan.
Ugu dambayn, waxa maanta dalka ka jira abaaro ba’an oo u baahan in bulshadeenu si weyn isugu gurmato.
Xukuumad ahaan, waxaanu wadnaa dedaalo badan oo lagu taageerayo dadka abaartu tabaalaysay, waxaana loo baahan-yahay, in dhammaanteen aynu ka qay-qaadanno taakulaynta dadka iyo duunyadaba.
ILAAHAY Subxaanahu Wa-tacaalaa, Abaarta wuu inaga jabin doonaa, isla markaana idam Eebe waynu ka doogi doonnaa.
Dhinaca kale, waxaan caddaynayaa in Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, aanay wadin wax muddo kordhin ah, insha Allaahu, Doorashaduna waxay dhici doontaa xilligii loogu talo-galay.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.