WorldRemitAds

’48 Arday Oo Jaamacadaha Magaalada Wax Ka Dhigta Ayaa La Jiifiyey Cusbitaaladda Boorama” Isu Duwaha Caafimaadka Awdal

Boorama, Somaliland, December 22, 2016 (Saxafi) – Isu duwaha caafimaadka Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Xaddi ayaa shaaca ka qaaday xanuuno badan oo beryahan dambe Boorama ka jira.

Isu duwaha ayaa dhinaca kale caddeeyay sababaha xanuunadaasi dhaliyay. Isaga oo saxaafadda Boorama kula hadlay ayaa ugu horreyn sheegay in ujeedada uu saxaafadda ugu yeedhay tahay inuu caddeeyo xanuunada ka jira magaalada waxana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxaa beryahan dambe soo batay xanuunka shubanka oo dad badan loo jiifiyay Cusbitaalada kala duwan ee magaalada Boorama. Xanuunkan ayaa Cusbitaalada kala duwan loo jiifiyey ugu yaraan 48 dhallinyaro ah oo wax ka dhigta jaacadaha magaalada Borama. kana kala yimi daafaha dalka Soomaaliya.  Waxaana ay sheegeen inay wax ka cunayeen huteelada Magaalada, gaar ahaan goobaha cuntooyinka fudud.  Cusbitaalka masaarida ee Boorama oo aan la kaashannay sababta xanuunkan keentay ayaa waxay noo caddeeyeen jeermis cuntada xumaata iyo nadaafad xumo ka dhasha, daacuunna ama kaloorana lama sheegin. waxa xanuunkan shubanka keenay cuntooyin huteelada oo baaryey ama qaboojiyayaal aan qabow lahayn la geliyay Hilibkii sariibadaha lagu qalayey oo aan nadaafad lahayn, shaqaalihii huteelada oo aan nadiif ahayn, nadaafad xumada goobaha cuntada, waxana qayb ka ah shirkadda horseed ee qashinka oo aan hawsheedii gudanin, bacihii iyo qashinkii jeermiska dhaliyay buuxdhaafiyeen magaalada, waxana badi arrimahaa xil ka saarnaa dawladda Hoose.  Waxaan ugu dambayntii dadweynaha uga digeynaa inay qashinka ku haystaan guryaha, goobaha hilibka lagu qallo in la nadiifiyo, cidda soo qaadaysa hilibka iyo goobaha lagu iibiyo in tallaabooyin dhinaca nadaafadda ah ay qaado dibna loogu noqdo.” ayuu yidhi

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.