WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 22, 2016 (Saxafi) – Hay’adda xidhiidhisa gargaarka Bani’aadanimadda ee OCHA iyo ta Midowga Yurub ee ECHO ayaa shalay kulan la yeeshay guddida abaaraha ee heer qaran.

Kulankan madaxweynaha la yeesheen ka dib waxa warbaahinta la hadlay afhayeenka madaxweynaha iyo saraakiishan ka socday OCHA iyo Echo, waxaanay sheegeen inay dalka u yimaadeen sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen abaaraha wadanka ka jira.

Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa sheegay in saraakiisha hay’adahan ka socda u yimaadeen sidii abaaraha ka jira wadanka uga qaybqaadan lahaayeen, isla markaaan wax tar uga gaysan lahaayeen.

SomlegalAds

“ Halkan waxa yimid hay’adda xidhiidhaysa hay’adda bani’aadanimada ee OCHA, iyo midowga yurub ee ECHO, waxay madaxweynaha kala hadleen sidi gargaarka bani’aadanimadda uga qaybqaadan lahaayeen, waxaanay la kulmeen guddida abaaraha wixiia y tari karaan iyo waxay damacsan yihiiba way sheegeen”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynaha Xuseen Dery oo ka hadlayey abaaraha wadanka ka jira.

Sidoo kale, justin Brady iyo Yahaan oo ka kala socda hay’adaha xidhiidhinta qaramada midoobay ee OCHA iyo midowga Yurub ee ECHO ayaa sheegay inay wadanka u yimaadeen sidii ay usoo eegi lahaayeen xaaladda adag ee abaareed ee ka jirta Somaliland, isla markaana sidii ay gacan iyo taakulo uga gaysan lahaayeen deegaanada abaaruhu ka dhaceen iyo kuwo k a soo qaxayba abaaraha, waxaanay intaas ku dareen iyagoo cod isku mid ah ku hadlaya inay la kulmeen guddida qaran ee abaaraha iyo madaxweynaha oo labaduba usheegeen sida ay wali jirta khatarta abaaraha oo ay dadku u baahan yihiin taakulo iyo in wax la taro

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.