WorldRemitAds

Berlin, Jarmalka, December 22, 2016 (Saxafi) – Booliska Jarmalka ayaa raadinaya nin reer Tunisia ah oo lagu magacaabay Anis oo lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey weerarkii Berlin ka dhacay ee dad isku soo baxay diintoodda Masiixiga ah Bas ku jiidhsiiyey.

Booliska Jarmalka ayaa sheegay in gaadhigii uu dadka jiidhsiiyey laga helay waraaq muujinaysa qofka uu yahay ninkaasi, waxaana waraaqdaasi ku qornaa u dhashay wadanka Tuunisiya, isla markaana uu dhashay 1992-kii kuna dhashay magaaladda Tataouine sida warar baahinta jarmalku sheegayaan.

Howlgalka booliiska waxaa uu ka socdaa gobolka North Rhine-Westphalia ee laga bixiyay warqada waddanka uu ku joogay.

SomlegalAds

Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka lagu tuhunsan yahay laga yaabo inuu ku dhaawacmay markii uu la dagaalamay darawalkii baabuurka.

Sida uu sheegay wargaysyada Allgemeine Zeitung iyo Bild, ayaa qoray in ninka laga shakisan yahay oo da’diisa tahay 21 ilaa 23 loo yaqaan saddex magac oo kala duwan.

Ninkan la raadinayo ayaa gaadhi bas ah jiidhsiiyey dad jooga suuqa Breitscheidplatz ee Kirismaska, waxaanu dilay 12 qof, halka uu dhaawacay 49 qof, haseyeeshee dawladda Jarmalka ayaa sheegay inay imika ku waano qaateen shilkaasi dhacay, isla markaana ay adkeeyeen suuqaasi kimiska lagu sameeyo, iyagoo ku xidh xidhay camaraddo wax duuba.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegtay in ay ka danbaysay weerarka, laakiin wax cadayn ah ma sheegin.

Waxaa soo baxday in darawalkii baabuurka in laga yaabo in uu la dagaalay ninka weerarka qaaday markii gaadhiga lagu weeraray dadka.

Ugu danbeyntii, darawalkii gaadhiga oo u dhashay Lukasz Urban oo u dhashay Polish, ayaa laga helay maydkiisa gaadhiga, isagoo ay ku yaalaan dhaawac xabad iyo mindi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.