Wakhtiyadii u danbeeyay waxa dunida dhibaato wayni ka taagan tahay cidhiidhiga iyo saxmada gaadiidka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee aduunka oo dadku khaati ka noqdeen, haddaba cidhiidhiga iyo saxmadaasi waxa ay ku dhaliyeen dad badan oo khabiiro ah inay ka fikiraan sidii dhibtaas looga bixi lahaa.
Khabiirada qaarkood ayaa doorbiday dhinaca shuruucda iyo in la adkeeyo nidaamka waddo marista, halka kuwo kalana ay u dhaqaaqeen inay ikhtiraacaan adeeg ama qalab cusub oo lagaga kaaftoomo ama lagaga baxo cidhiidhiga.
Haddaba khabiir u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo “Peter Treadway” ayaa ikhtiraacay oo ku guulaystay inuu farsameeyo kabo elegtaroonig ah oo sida gaadiidka loo adeegsanayo, kuwaas oo saacadii jaray xawaare dhan shan iyo toban kilo miter.

Kabahan ayaa ku shaqaynaya awooda baytariyada AA-ga loo yaqaan, waxaanu qofku marba jihada uu u soconayo uu ka xukumayaa labadiisa gacmood oo jeebadaha loo gelinayo xadhko maamulaya sidii isteerinka oo kale.
Mishiin yar oo baytariyo ku shaqaynaya ayay leeyihiin kabahani, waxaanu awoodi karaa qofku inuu ku safro shan kilo mitir iyo dheeraad wax ka yar shan daqiiqo.
Khabiirkan ayaa rejaynayaa in kabahani ay yareeyaan culayska iyo saxmada isku socodka waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka gaar ahaan magaalada London ee uu ku nool yahay oo ka mid ah, magaalooyinka ugu saxmada iyo cidhiidhiga badan.