WorldRemitAds
Madaxweynaha jamhuuriyada Chechnya Ramsaan Qaadiroof, ayaa xaflad aad u balaadhan oo ku xusay munaasibada dhalashadiisa. Sida wakaaladaha wararka ee Dunidu ku warameen, xafladan oo wakhti habeenimo ah ka dhacday magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Grozny.

Xafladan oo la isku arkay ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf tiro badan oo ay ku jiraan, jilayaashaa iyo fanaaniinta dunidda ugu caansan, taas oo sida la qiyaasayana ku kacday lacag aad u badan oo boqolaal kun oo dollar-ka Maraykanka lagu qiyaasay.
kadyrov_dance_304x171_afp_nocreditDadka xafladan qaybta madaddaalada ka tumayay waxa ka mid ah, jilayaasha reer Hollywood ugu cad cad ee ay ka mid yihiin, Hilary Swank, Jean Claude (Van Dame) iyo fanaanka Muusiga Violin-ta ku caanka ah ee Vanessa Mae.
Madaxweynaha Jeejniya oo xafladan isagu xidig ka ahaa habeenkaas, ayaa dadkii ka soo qayb galay u sheegay in ujeedada xafladani aanay ahayn xuska dhalashadiisa, laakiin lagu waynaynayo aasaaskii Magaalada Caasimadda u ah dalkaas ee Grozny oo maalintii la aasaasay iyo dhalashadiisu isku beegan yihiin.
Mr. Qaadirof waxa uu hadal ahaan muujinayay nin aan jeclayn in loo dabaal dego, maalinta dhalashada, waxaanu xafladaas ka sheegay in wasiirka ama masuulka isagoo sharfaya Madaxweynaha Hadiyad keena munaasibada uu waayi doono xilkiisa.
Laakiin Madaxweynaha Jeejniya muu ahayn mid ficil ahaan fulinaya wixii uu khudbadiisa ku sheegay si kasta oo uu u dhigo iyo magac kasta oo uu ugu yeedhana, xafladu waxay ahayd xuska dhalashadiisa. Sida suxufiyiin madax banaan oo dhacdadan faalooyin ka diyaariyay sheegayaan, si kasta oo uu Mr. Qaadirof marin habaabin ugu talaabsaday, haddana waxa wax kasta muujinayay damaashaadyada iyo dabaal degyada ka socday gudaha Grozny.
Magaalada in badan oo ka mid ahii bur bursan tahay ayaa meel walba lagu iftiimiyay laydhadhka falaadhaha laysarka oo kale bixiya, waxa fooqyada dhaadheer ee magaalada oo qaar badani dunsan yihiin lagu sameeyay waxyaabo indho sarcaad ah oo elegtari ku shaqyanaya, kuwaas oo habeenkii sida dhalaan habaabista oo kale u khaldaya qofka magaalada ku cusub.
Fanaaniinta iyo kooxaha ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee dalka Shiishaan ayaa xafladan ka sameeyay bandhig faneed aad u sareeya oo noociisa aan sanadihii u danbeeyay laga qaban magaaladaas.
Dadka u ololeeya arrimaha xuquuqda aadamaha ee dalkaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay jilayaasha iyo fanaaniinta reer galbeedka ee xaflada dhalashada madaxweynaha ka soo qayb galay, waxaanay ku tilmaameen mid muujinaysa sida reer galbeedku qab qablayaasha dagaalka Chechnya u taageerayaan.
Madaxweynaha jeejniya waxa uu xukunka ka dhaxlay Aabihii oo ka mid ahaa dadka sida wayn u taageera Ruushka, kaas oo 2004-tii lagu dilay qarax bam. Isaga laftiisa ayaa lagu tiriyaa saaxiibada ugu dhow dhow raysal wasaaraha Ruushka Vladimir Putin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.