WorldRemitAds
Hawl gal balaadhan oo ay iska kaashanayaan, wasaarada caafimaadka iyo hay’ada waddo marista u qaabilsan dalka Jarmalka ayaa guud ahaan laga bilaabay magaalooyinka waaweyn ee dalka Jarmalka kuwaas oo lagu dhejinayo waddooyinka calaamado cusub oo aanay dadku uga baran jidadka.

Sida wakaaladaha wararku qoreen calaamadahan oo kuwoodi ugu horeeyay shalay laga bilaabay dalkaas, ayaa ah astaamaha digniinta ah ee lama ogola, ha dhaafin, ha istaagin iyo kuwo kale oo tira badan, kuwaas oo dhamaantood digniinaha siinaya dadka sigaaryo cabka ah.
Sigaarka qiijiyaCalaamahadan oo qar badan wadayaashu hore u yaqaaneen, ayaa ah kuwo qofka sigaar cabka ah u diidaya inuu meelaha qaarkood la istaago ama ku cabo, waxa kale oo ay tilmaan ka siinayaan in aanu jidkaa hore ugu sii socon karin xitaa haddii aanu cabayn sigaar.
Run ahaantii calaamadahani waxay ahaayeen kuwo layaab ku noqday dadka waayo? Umay baran in calaamadihii gaadiidku ay noqdaan kuwo dadka loogu digayo.
Mid ka mid ah dadka sigaarka caba oo aragti ka bixiyay calaamadahan ayaa yidhi, “Runtii ilaa intii aan noolaa waan soo arki jiray, calaamadaha No Park, lama istaagi karo, laakiin maan arag calaamad sigaar cab ma istaagi karo ay ku qoran tahay, layaab!! Ayuu yidhi ninkaasi isagoo ka hadlaya
Dadka ayaa dareeno kala duwan ka bixiyay calaamadahan waxaana markiiba ka bilaabmay muran iyo doodo xiiso leh, hasa yeeshee wasaarada arrimaha caafimaadka ee dalka Jarmalka oo jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in sababta loo sameeyay arrintani ay tahay sidii dadka loo dareensiin lahaa dhibaatada iyo halista tubaakada.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dadku calaamadahan aanay ku daalin ee ay ka hadlaan ama ka doodaan halista tubaakada, dalka Jarmalka ayaa ka mid ah waddamadii ugu hor mamnuucay in sigaarka lagu cabo goobaha caamka ah ee dadku ku kulmaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.