Gooninnimadii Guevara: Warqaddii Uu Halgamaagu Ku Macasalaameeyay Fiidal Castro

0
120
PropellerAds

Faysal Axmed Kaarshe

Taariikhda ayaa ku baraysa, in mabda’a aad u taagan tahay uu dhab kaa yahay aanay duruufuhu wax badan kaa wiiqi karin. Waxa dadkaa ka mid ah Ernesto Che Guevara (1928-1967). Wuxuu astaan u yahay erayga “halgan” oo la qofeeyay. Wuxuu gaar ugu suntan yahay halgankii Laatiin Ameerika, gaar ahaan dalka Kuubba. Dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeeday Argentine, waxaa se u muuqatay ujeeddo fog oo ku taxan fahanka uu halganka ka haystay ee ahaa: fekradda aad u taagan tahay, meeshii ay ka suuroobaysaba la tag, oo ku addin. Wuxuu kacdoon farayaraan lagu dacaayadeeyay, balse kaga yaabsaday dadkii yasayay, ku taageeray saaxiibkii iyo hoggaamiyihii Fidel Castro (1926-2016). Che wuxuu ahaa diblomaasi, qoraa, aragticuriye militeri, dhakhtar, iyo kacdoonyahan la dhacsan fekradda Maarkiisiyada (Marxist). Isaga iyo Castro waxay isku barteen dalka Mexico, oo uu Che sii joogay. Castro iyo walaalkii, Raul, ayaa baxsad ku joogay Mexico. Waxaana ay damacsanaayeen in ay laba kaclayn halkaa ka soo abaabulaan, si ay meesha uga ridaan keli taliyaha Maraykanku taageero, Fulgencio Batista (1901-1973).

Qorshaha ay dejiyeen Che iyo Castro waxa badanka hindisaha iyo fekradda dhisay maskaxda Che, taas oo u heellanayd in ay mar uun aragto dal inta halgan ku guulaysto ay ku gacansarrayso fekradda ay aaminsan tahay ee Maarkiisiyada. Bilawgii sannadka cusub ee 1959 ayaa jabhad uu hoggaaminayo Castro, oo 81 askar ka koobani, qabsatay caasimadda Havana. 82 qof oo keli ah! Waxa durbadiiba la qabanqaabiyay dalka in la soo dabbaalo. Castro siyaasi ayuu ahaa, balse Che fekradyahan ayuu ahaa, oo isaga xilka qabo kuma weynayn e waxa la weynayd in hammigiisii rumoobo keliya. Dhacdadii Santa Clara ayaa hammigiisaa u dhabaysay.

Guevara in kasta oo uu u dhashay dalka Argentine, haddana wuxuu aaminsanaa in aanu xad lahayn fekerkiisu. Wuxuu rumaysnaa in gurmadkiisa iyo gaylankiisa ay u baahan yihiin cid kasta oo dulman, oo ay haystaan nidaamyo hantiggoosad burjuwaasi ah, oo ka madhan damiir iyo nolol caddaalad ah. Sababtaas ayuu Kuubba u yimi, Koongada Afrika u tegay, aakhirkiina Boolifiya loogu dilay isaga oo halgankii sii wada.

Haddaba, maalintii uu kacdoonka Kuubba guulaystay, waxa Guevara loo magacaabay xilal sarsare. Wasiir iyo diblomaasi. Haddana, in door ah ka dib wuxuu dareemay in uu isku illaaway xilkan iyo noloshan faakihaysiga ah. Si ka duwan Castro, oo ah nin baragmaati (pragmatist) ah, wuxuu Che ahaa nin ku adadag mabda’yadiisa. Cidna uga ma uu gabban jirin wixii uu u arko in uu gefsan yahay. Tusaale ahaan, shir ka dhacay Aljeeriya bishii February ee gu’gii 1965, wuxuu Che si furan u dhaliilay Midawgii Soofiyeet, oo Castro iyo Kuubbaba ay si weyn ugu tiirsanaayeen! Taas cadaadis ayuu kula kulmay.

Aakhirkiina wuxuu goostay in uu xilka banneeyo, oo uu halgankiisa Maarkiisiga ah, ee ku taamaya duni caddaalad bulsheed ka jirto oo kala-qoqobka iyo sinnaan-la’aanta bulsho reebban tahay, u tallaabiyo dunida kale meeshii looga baahan yahay, ileen gurmadkiisa “waw baahan yahay ruux la gaasiray e!” Wuxuu ka cudurdaartay xilka uu Kuubba u hayay, dhalashadii Kuubba, iyo la-sii-shaqayntii maamulka Castro. Wuxuu qoray warqaad cajiib ah, sannadkii 1965, oo uu saaxiibkii Castro ugu sheegayo dhiirranaantiisan cusub. Warqadda ayaa turjumkeedu noqonayaan sidan;

April 01, 1965

Fidel,

Xilligan, waxyaabo badan ayaan xasuustaa—markii aan kugu la kulmay gurigii Marfa Antonia, markii aad soo jeedisay in aan idin raaco, [iyo] dhammaan xiisadihii la xidhiidhay diyaargarawga.

Maalin ayay iswayddiiyeen cidda la wargelinayo haddii dhimasho timaaddo, suuraggalnimada runta ah ee dhabnimadaasi way ina wada saamaysay. Gadaal ayaynu ka ogaannay in ay run ahayd, in kacdoonka qofku guulaysto ama geeriyoodo (haddiiba uu [kacdoonkaasi] xaqiiq yahay). Jaallayaal badan taa ku dareemay jidka guusha.

Maanta wax kastaa sidii hore u ma kacsana, waayo intii hore waynu ka qaangaadhsannahay. Balse xaqiiqdii ayaa soo laabatay. Waxaan dareemayaa in aan ka soo dhalaalay intii igaga aaddanayd waajibaadka Kacdoonka Kuubba, waxaanan macasalaamaynayaa adiga, jaallayaasha, [iyo] dadkaaga, oo sida oo kale dadkaygana ah.

Waxaan bannaynayaa dhammaan jagooyinkii aan hoggaanka qaranka ee xisbiga ka hayay, wasiirnimadaydii, derajadaydii ciidannimo, iyo dhalashadaydii Kuubbannimo. Wax sharci ah igu ma xidho Kuubba. Waxa keli ah ee igu xidhaa waa dabci ah—oo aan loo burin karin sida magacaabista loo buriyo.

Haddaan dib u xasuustay noloshaydii hore, waxaan rumaysnahay in aan guusha kacdoonka wax ugu darsaday si hibayn iyo sharaf leh. Fashilkayga keli ah ee darani waa in aanan ku garawsan muddooyinkii u horreeyay ee [buuraleyda] Sierra Maestra, iyo in aanan si degdeg ah u fahmin tayooyinkaaga hoggaamiyannimo iyo kacdoonyahannimo.

Waxaan noolaa maalmo muunad leh, waxaanan kugu ag dareemay qabka in aan ka tirsanahay dadkeenna maalmihii wacnaa haddana murugsanaa ee dhiilladii Caribbean-ka.

Alla beryahan yaraa nin qarameed adiga kaa rooni. Waxa sida oo kale aan ku faanayaa in aan kuu raacay si aan masuugid lahayn, u aqoonsaday habfekerkaaga iyo si-araggaaga iyo mabda’yada iyo halisaha wax jaangoynaya. Waddannada kale ee dunida ayaa u gacanhaadinaya dedaalladayda dhuldhigan. Anigu taa waan qaban karaa, oo adiga waxa kuu diidaya mas’uuliyaddaada maaddaama aad tahay madaxii Kuubba, waxaana la soo gaadhay waqtigii aynu kala baydhi lahayn.

Waxaan rabaa in la ogaado in tan aan u samaynayo aniga oo dareemaya dareenno isku qasan oo raynrayn iyo murugaba leh. Waxaan halkan kaga tegayaa rejooyinkayga ugu saafisan ee dhisaannimo, iyo dadka aan jecelahay ee ugu qaalisan.

Waxaan halkan kaga tegayaa dad ii qaabbilay sidii inankooda. Taasi si qoto dheer ayay ii dhaawacaysaa. Waxaan goobaha dagaal ee cusub la tegayaa iimaanka aad i bartay, ruuxda kacdoon ee dadkayga, [iyo] dareenka ah in aan ka soo baxo waajibaadka ugu barakaysan: in lala dagaalamo imbiliyaalistaha (imperialist) meel uu yahayba. Tan ayaa bushinaysa oo dawaynaysa dhaawacyada ugu qotoda dheer.

Waxaan mar kale ku celinayaa in aan ka tegay mas’uuliyad kasta oo aan Kuubba u hayay, marka laga reebo midda tusaalaheeda ku jirridaysan. Haddii saacadda iigu danbaysaa igaga baxdo dhul kale, cidda u danbaysa ee aan maskaxda ku hayaa waa dadkan, iyo gaar ahaan adiga. Waxaan ka mahad sheeganayaa waxbaristaadii, tusaalayntaadii, waxaanan isku deyayaa in aan daacad u noqdo aayaha ugu danbeeya ee ka dhasha falalkayga.

Waxa inta badan la igu aqoonsanaa siyaasadda arrimaha debadda ee kacdoonkeenna, sidaas ayaanan sii ahaan doonaa. Meel kasta oo aan joogo, waxaan dareemi doonaa mas’uuliyadda ah in aan ahay kacdoonyahan Kuubbaan ah, sidaas ayaanan u dhaqmi doonaa. Ka ma xumi in aanan xaaskayga iyo carruurtayda uga tegayn wax adduun ah. In ay sidaa tahay waan ku faraxsanahay. Waxba iyaga u ma tuugayo, marba haddii aan ogahay in qaranku uu siin doono wax ugu filnaada kharashaadkooda iyo waxbarashadooda.

Waan jeclaan lahaa in aan wax badan idin dhaho adiga iyo dadkeennaba, balse daruuri ayaanan taa u arag. Erayadu ma cabbiri karaan waxa aan la damacsanahay, mana filayo in ay u qalanto ku-afgobaadsiga weedhaha.

Weligeen xagga guusha ayaynu u soconaynaa! Geyigeenna ama Geerida!

Waxaan kugu hagoogayaa hibayntayda kacdoonnimo oo dhan.

Che.

Qoyskaas castro maanta ayay hogaamintii wadankaasu ka wareegay 1926 illaa 2018”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.