WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 14, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay guddi heer qaran ah u magacaabay xaaladda abaaraha ee dalka jira.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr, waxaana guddidan gudoomiye looga dhigay madaxweyne ku xigeenka, waxaanay ka kooban tahay wasiiro, ganacsato iyo culimo, kuwaas oo madaxweynuhu furey inay taakuleeyaan dadka abaaruhu ku dhaceen.
War-saxafadeedku waxa uu u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, gudidaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Xubnaha Gudida Madaxweynuhu Magacaabay.
Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan
Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Cumar
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami
Ku: Xog-hayaha Golaha Wasiirrada Mudane Sharmarke Axmed Muxumed
Ku: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Muddane Maxamed Shukri Jaamac
Ku: Mudane, Farxaan Liibaan Axmed
Ku: Mudane, Maxamed Cali Maxamed
Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi
Ku: Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed
Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi
Ku: Sheekh, Ciise Maxamuud Cabdillaahi
Ku: Sheekh, Cawil Faatax Shire
Ku: Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi
Ku: Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed
Ku: Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali
Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Mudanayaal:- Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.
Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan ururinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana Guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.