WorldRemitAds
Berbera, Somaliland, February 14, 2016, (Saxafi) – Ciidamada amaanka gobolka Saaxil ayaa shalay gacanta kusoo dhigay laba ka mid ah eedaysanayaal loo haysto inay shalay weerar ku qaadeen deked laga yagleelay deegaanka Ceelgardi oo hoos yimaada gobolka Saaxil iyo gaadhigii ay wateen.

Waxaana warku intaas ku daray in ciidanka amaanka gobolka Saaxil ay wali ku daba jiraan eedaysanayaal kale oo falkan kula jiray.
Kooxdan shalay weerartay deegaanka Ceel gardi oo ka mida deegaanada hoos yimaada gobolka Saaxil isla markaan ah deegaanka laga wado dekeda ayaa waxay khasaare hantiyeed sida la wariyay gaadhsiiyeen Gadiidkii iyo waliba agabkii kale ee meesha yaalay, iyadoo goobta la weeraray ee dadka cadhaysani ku gadooday aanu ka dhicin wax khasaare nafeed ah ama dhaawacba.
Si kastaba ha ahaateen maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa ka dhawaajiyay inay soo qabanayaan cidii ka danbaysay weerarkaasi.
Dekeddan yagleesha ah ayaa muran abuurtay, u muuqda mid beelaysan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.