WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 19, 2016, (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani islamarkaana ah guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay gurigeeda Boorama ku booqday fanaanadda Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo qoyskeeda.

Aamina Cabdillaahi oo waayadan dambe u jiiftay xanuun ayaa Guddoomiye Cirro ugu duceeyey caafimaad qab.
Ka hor booqashadda Guriga fanaanadda ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteel Rays kaga hadlay dhacdadii lagu weeraray goob diiwaan-gelinta iyo ujeedada socdaalka u haatan Boorama ku jooga, isagoo ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi, “Aad baan uga xumahay waxa ka dhacay Sabowanaag, Ilaahay mahaddiina weeyaan inaan dhacdadaasi waxba u dhimin geeddi socodka diiwaangelinta. Waxaan beryahanba gobolka u nimi aniga iyo xisbiyada qaranka ee kaleba inaan kormeer ku samaynno qaabka diiwaangelinta gobolku u socoto iyo nolosha dadweynaha wax kaambayn siyaasadeed ah oo noo dheerina ma jirto. runtii abaar iyo oonbaa ka jira gobolka, dawladduna way ka hadashay, anaguna baaq baan ka soo saarray. Cabashooyin ku saabsan gaabiska hawlaha diiwaan gelinta deegaannada dhawr ah siiba Boorama, tirada goobaha oo meelaha qaar la saluugsanyahay iyo duruufo kaleba waa laga cawday waanan gaadhsiinnay guddiga doorashooyinka waanan ka sugaynaa in wax laga qabto”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.