WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 19, 2016, (Saxafi) – Guddiga loo saaray abaaraha dhibaateeyay dalka Somaliland galbeedkiisa ayaa shalay shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dhaqaale xoogan.

War murtiyeed laga soo saaray kullan gudigu shalay yeelatay ayaa u dhignaa sidan. “Shir jaraaid oo ay shalay Gudida loo saaray Isku dabaridka Qaadhaan Ururinta Abaaraha iyo Qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan ku qabteen Xafiiska Rugta Ganacsiga ee Caasimada Hargeysa ayey ujeedadiisu ahayd in ay deeq loo hibeeyey abaaraha ka gudoomaan qaar kamida Shirkadaha Ganacsiga, xubno kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland iyo qurbojoog dalka ku sugan
Tiro kamid Guddida oo isugu jirtay Ganacsato iyo Culimo waa weyn oo dalka si weyn looga yaqaamo ay dadka hantiilayaasha ah iyo kuwa ladan ugu baaqeen inaanay maanta waxba ka hagran dadkeena tabaalaysan ee ay hayso abaarta ba’an ee saamaysay dad iyo duunyaba, waxaanay shacabka Somaliland usoo jeediyeen in maanta loo baahan yahay in la kaalmeeyo dadkaasi si loo badbaadiyo nafahooda iyo xoolahoodaba,
Waxaa hadaba maanta bushaaro ahayd in Gudiga ay qaadhaan kii ugu horeeyey ka gudoontay Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom qadar lacageed oo dhan $ 50. 000 sidoo kale kalena waxay ka gudoomeen qaadhaan lacageed oo dhan $50. 000 ka Shirkada Dahabshiil iyo $30. 000 oo ay bixiyeen shaqaalaheedu.
Sidoo kale Shirkada Somcable ayaa iyaduna bixisay lacag dhan $80. 000 halka ay Shirkadaha Al-Xarbi-na ka gudoomeen $20, 000 iyo shirkada Aleel oo hibaysay $20, 000
isku gaynta qaadhaanka saaka oo kaliya shirkaduhu bixiyeen ayaa noqonaya $250. 000 “laba boqol iyo Konton kun oo doolarka Maraykanka ah. ’
gudida ayaa sheegay ka dib dhawaaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland ku sheegay in loo gurmado dadka ay waxyeelada soo gaadhsiiyeen abaaraha baahsan ee guud ahaan dalka ka jira ay baaqaasi kasoo jawaabeen Ganacsatadaasi sidoo kalena waxay gudidu halkaasi uga mahad naqday Xildhibaan Indho Indho oo isagu maalintii ugu horaysayba gudida gaadhsiiyey Jeeg dhan Lacag $2. 000 iyo sidoo kalena Xildhibaan Aadan Xaaji Dirir oo isaguna gaadhsiiyey gudida 10, 000, 000 SL Somaliland Shiling ah isla sidoo kalena waxaa goobtaasi laga xusay dhalinyaro qurba jooga oo iyaguna ku yaboohay qaadhaan lacageed oo dhan $600.
Gudidan ayaa xusay in iyaga oo ka jawaabaya magacowgii Madaxweynaha JSL uu ugu igmaday hawsha qaadhaan ururinta isla markaana gudanaya waajibaadkooda ka saaran u dedaalida dadka iyo duunyada tabaalaysan iyo gurmadka dadka abuuruhu wax yeeleeyeen in ay heegan ugu jiraan sidii ay dadkaasi wax u gaadhsiin lahayeen islamarkaana loo baahan yahay in qofkasta oo somalilander ah uu halkiisa ku hawl galo.
Gudigu waxay dadka ugu baaqeen in yar iyo weyba kaalmadooda kusoo diraan Adeegyada Zaadka, E-Dahab, Dahabshiil, Salaama Bank kuwaas oo dhamaantoodba u furan xisaabaadka qaadhaan uruurinta ee lagu kaalmaynaayo dadka abuuruhu saameeyeen. Dhanka kale gudida waxay halkaasi ug mahad celiyeen cidkasta oo qeyb qaadatay gurmadkaasi iyagoo ugu duceeyey in ilaahay wax ka kheyr qaba ugu bedelo dhankoodana waxay hoosta ka xariiqeen inay imika ka hawl geli doonaan sidii ay uugu hawl gali lahaayeen qaadhaankaasi lacageed ee soo gaadhay.
Lanbarada Lagu Soo Diraaayo Lacaga Qofkastaaba Siduu Awoodo.
Zaad: 4720222
E-Dahab: 52222
Dahabshil Bank: 20500
Salaam Bank: 60186075. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.