WorldRemitAds
Laas-Geel, Somaliland, February 19, 2016 (Saxafi) – Wefti ka socday safaaradda dalka Faransiiska ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska ee degmadda Laas-geel, taas oo ujeedada booqashadoodu ahayd ka soo war-helid iyo sidoo kale wixii awoodooda ah ee wax-qabad ah inay ka gaystaan.

Weftigan oo uu hogaaminayey safiirka Faransiiska ee dalka Kenya u jooga Somaliland iyo Somaliya Mr. Rémi Maréchaux oo ay weheliyaan wefti balaadhan ayaa waxa ku soo dhaweeyay isla degmadda Laas-geel masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay, sharaxaadna ka bixiyey goobaha dalxiiska ee Laas-geel Agaasimaha waaxda dalxiiska ee wasaaradda Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide), isagoo waftiga tusay sawirrada goobaha dalxiiska Somaliland oo xafiiska goobta Laas-geel ku xardhan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaana uu weftigan uga mahad-naqay booqashadooda waxaana uu xusay in dalka Faransiisku uu yahay mid dhanka dalxiiska daneeya, ayna rajaynayaan wixii wax-qabasho dhanka dalxiiska ah ay gacan ka siin doonaan.
Dhanka kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Cabdirashiid Ismaaciil Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in goobaha dalxiiska ee Laas-geel ay u baahan yihiin in la daryeelo taasna ay ka rajaynayaan dawladda Faransiiska inay gacan ka gaysan doonaan.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay safiir Mr. Rémi Maréchaux, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay sidoo kalena ka dawlad ahaan ay wax baddan kala qaban doonaan Somaliland, isla markaana wixii awoodooda ah ay ka taageeri doonaan goobaha dalxiiska. Waxaana waftigani ay soo kormeereen goobaha dalxiiska ee Laas-geel, iyaga oo aad uga helay kana qaatay sawirro iyo warbixino kala duwan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.