WorldRemitAds
Kampala, Uganda, February 19, 2016 (Saxafi) — Hoggaamiyaha ugu Awoodda badan Mucaaradka Uganda, Kizze Basigye ayaa lagu Xidhay deegaanka Naguru oo ka tirsan dlaka Uganda, sida uu sheegay Afhayeenka xisbiga FDC. Iyaddoo doorashaddana xalay la soo gabagabeeyay saacado dheeraad ah oo lagu daray ka dib.

Ssemujju Ibrahim Nganda oo ah afhayeenka xisbiga mucaaradka ee FDC ayaa u xaqiijiyay wabaahinta xadhiga Kizze Besigye, isagoo sheegay inay xidheen ciidammo ka tirsan booliiska dalka Uganda.
Afhayeenku wuxuu intaa raaciyay in Kizze Besigye la xidhay kaddib markii uu tagay guri ay mucaaradku sheegayaan inay ka socotay xatooyo lagu sameynayay codadkii ay shalay dhiibteen shacabka Uganda.
Xubnaha Xisbiga Mucaaradka ah ee FDC ayaa sheegay inay dalbadeen in guriga la baadho, laakiin loo diiday inay galaan. Kadibna Waxay sheegeen in Besigye la xidhay oo Booliisku ay goobta ka kaxeeyeen goobta.
Dhanka kale, Isniintii Toddobaadkan ayay ahayd markii booliiska dalka Uganda ay xidheen Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee FDC, Besigye, kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu jabiyay amar ay booliisku soo saareen.
illaa hadda Dowladda Uganda kama hadal Xadhigga la sheegay in loo geystay hoggaamiyaha xisbiga FDC ee Uganda, xilli hogaamiyeyaasha mucaaradka ay ku eedeeyeen xukuumadda inay doonayso in codadka doorashada ay musuq-maasuqdo.
Cod-bixintii Doorashada Uganda oo ay ahayd in la soo gaba-gabeeyo 4:00 Galabnimo ee shalay ayaa waxay guddiga doorashada dalkaas ay ku sheegeen hadal ay Saxaafada siiyeen inay illaa 7:00 xalay ay codeyntu soconayso, Maadaama meelaha qaarkood ay dib uga dhacday xillligii loo qorsheeyay in cod-bixintu ay billaabato, iyadoo ay xidhan yihiin baraha bulshada ee Facebook-ga iyo Twitter-ka.
Xaafado ka tirsan Magaalada Kampala iyo degmada Wakiso oo ku taalla Bartamaha Dalka Uganda ayay Codeyntu dib uga dhacday xilligii Qorshuhu ahaa inay ka Billowdaan, taasoo ay walaac ka muujiyeen shacabkii Uganda ee codka dhiiban lahaa. “Tani waa niyad-jab weyn, laakiin waxaan Go’aansaday in aan taagnaado Qorraxda illaa inta aan codkeyga ka dhiibanayo, ” ayuu yidhi Fred Mubiru oo ah Taksiile, isagoo hadalkiisa ku daray in Dadkii goobta uu ka Codeynayay ee Kampala kula sugnaa ay u Sheegeen inay isaga tagayaan goobta haddii cod-bixintu ay raagto.
Sidoo kale, Waxaa gabi ahaanba xidhan Goobaha Ganacsiga iyo Shirkadaha waaweyn oo ay kuwa taleefoonnada ka mid yihiin; iyadoo shacabka Uganda ay cabsi weyn ka qabaan inay rabshado dhacaan. inkastoo aan lasoo sheegin rabshado waa-weyn oo dhacay intii codeyntu ay socotay.
“Anigu waxaa si aad ah uga walaacsanahay inay rabshado dhacaan, ” ayuu Oceng Boniface oo 32-jir ahi yidhi, isagoo ka Codeynayay Hoima oo Qiyaastii 125 Mayl u Waqooyi-galbeed kaga beegan Magaalada Kampala, isagoo intaas ku daray. “Ganacsigu wuu xidhan yahay ma garanayo meel aan raashin iyo alaabo ka iibsado. ”
Doorashada Uganda ka dhacaysa ayaa waxaa ku tartamaya siddeed Murashax oo uu ka mid yahay madaxweynaha Uganda ka taliya Museveni, inkastoo uu wajahayo loolan aad u adag oo kaga imanaya Murashaxiinta mucaaradka ah oo uu ugu weyn yahay, Kizze Basigye. “Haddii doorashadu ay noqoto mid ku dhacda si cadaalad ah oo xor ah, Waxaan noqonayaa qofka ugu horreeya ee ay shacabku u codeeyaan, xitaa haddii aanan doorashada guul ka gaadhin, ” ayuu yiri Kizze Besigye oo 59-jir ah oo intaas ku daray. “Laakiin ma filayo inay doorashadu noqon doonto mid ku dhacda si cadaalad ah oo xor ah. ”
Maria Burnett oo ka mid ah baadhayaasha Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaarada Afrika oo la hadashay warbaahinta ayaa ka digtay in Natiijada Doorashada lagu dhawaaqo Xilli hore, iyadoo intaas ku dartay in laga digtoonaado in natiijada lagu dhawaaqo waqtigii loogu talo-galay ka hor.
Iyadoo Shacabka dalka Uganda ay aad uga walaacsan yihiin Internet-ka Isgaarsiinta oo aan la Adeegsan karin, ayaa Madaxa Guddiga Isgaadhsiinta Waddanka Uganda, Godfrey Mutabazi wuxuu War-fidiyeenka u sheegay in Sababta loo xidhay Is-gaadhsiinta ay tahay in la adkeeyo amniga lagana hortago falal amni-darro oo dhaca. “Sababta Is-gaadhsiinta loo xidhay waa mid la xidhiidha Amaanka, Aniguna kama Jawaabi karo Arrimaha ku saabsan Sugidda Amniga, ” ayuu Hadalkiisa ku daray Godfrey Mutabazi oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AP.
Ugu dambeyn, Hay’adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka iyo kuwa Maxalliga ah ayaa ku baaqay in deggenaashada la ilaaliyo, lagana fogaado wax walba oo rabshado ay ka dhalan karaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.