WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 22, 2018 (Saxafi) – Carwadda Caalamiga ah ee Buuggaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair#HIBF“), ayaa shalay ka furantay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

SomlegalAds

Carwaddan oo sannad walba hal mar la qabto ayaa waxa uu sannadkani noqnayaa kii kow iyo tobnaad, waxaana shalay si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

“Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inuu furan yahay badhiga Hargaysa International Book Fair, hawshani waxay qiimo weyn u leedahay dalkeena, intaasoo qof oo dalal kala duwan ka yimi ayaa jooga waxay markhaati ka yihiin in Somaliland tahay dal cagihiisa ku taagan oo tashaday, dad badan ayaa maanta baranaya Somaliland waxa ay tahay nabad-galyada iyo dimuqraadiyadda ka jirta,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland.

Qabanqaabiyayaasha bandhiga ayaa waxay sheegeen in sanadkan la soo bandhigi doono 120 buug oo cusub iyo buugaag horey loo qoray.

Carwadda Caalamiga ah ee Buuggaagta ayaa waxa ay soconaysaa muddo toddoba maalmood ah waxaana buugaagtooda ku soo bandhiggaya, hadalana ka jeedinaya qorayaal caan ah oo Soomaaliyeed iyo kuwa cusub.

Munaasibaddii Furitaanka Carwadda Caalamiga ah ee Buuggaagta ayaa waxa sidoo kale ka qayb galay Safiirka Britain u qaabilsan Somalia, Daved Concard, xubno diblomaasiyiin iyo qoreyaal caalamiba ah isugu jira.

Qorayaasha sanadkan lagu casuumay isla markaana buugaagtooda soo bandhigi doona ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen 25 dal.

Carwadda Caalamiga ah ee Buuggaagta ee Hargeysa ayaa sanad walba waxaa lagu marti qaadaa dal gaara waxaana sanadkan marti ku ah dalka Rwanda.

Guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee lagu qabto bandhiga buugaagta sanad walba Dr; Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in sanadkan bandhiga diiradda lagu saari doono ereyga Xikmadda iyo murtidda ay Soomaalida lahaan jirtay.

Mr Jaamac ayaa intaa ku daray in buugaagta la soo bandhigayo qaarkood lagu daabacay dalalka Yurub kuwaasi oo isugu jira kuwa ay Soomaalidu qoreen iyo kuwa Soomaalida laga qoray.

Waxaa jira qorayaal cusub oo dhalinyaro ah waxaana ka mid ah gabdho qoray buugaag cusub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.