WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 26, 2016 (Saxafi) – Alle ha u naxariistee waxaa shalay si heer qaran ah Magaalada Hargeysa loogu aasay Marxuum Saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay oo mudooyinkii u danbeeyey xanuun u jiifay.

Aaska markuumka ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyayaasha axsaabta mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, wasiiro, xildhibaano, suxufiyiin tiro badan, culimo aw-diinka dalka iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tacsi uu direy qoyskii iyo qaraabadi uu ka baxay marxuum Cabdiqaadir Maxamed Ciid Bay, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo ku geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 25/02/2016 Magaalada Hargeysa.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Saxaafada dalka ee wakhtigooda ugu badan geliyay sidii ay door muhiima ugaga qaybqaadan lahaayeen, dhinaca qalinka iyo maskaxda Alle (SWT) hibada u siiyey inay ku curiyaan baahinta danta ummaddooda iyo dalkoodaba.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo. ”
Marxuum suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid ayaa waxaa uu ahaa ruug cadaa muddo dheer ka tirsana warbaahinta dalka islamarkaana ka mid ahaa tiirarka warbaahinta dalka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.