WorldRemitAds

Kala-Baydh, Somaliland, December 13, 2016 (Saxafi) – Ciidanka Booliska Somaliland ee degmadda Gabiley ayaa shalay helay meydka Marxuumad muddo shan maalmood ah geeri iyo nolol la baadi goobayay, taas oo meydkeeda laga dhex helay Balka beeraha laga jaro ee laysku ururiyo.

Marxuumadan oo magaceedda la odhan jiray Alla ha u naxariistee Raaxo Aw Aadan Riiraash, isla markaana hooyo lahayd siddeed carruur ah, isla markaana la sheegay inay ilmihii sagaalaad uurka ku sidday, ayaa meydkeeda waxay ciidamada Boolisku ka heleen bal lagu ururshay beer ku taal deegaanka Idhanka Ilka-weyne oo ku yaal duleedka galbeed ee magaalada Kala-Baydh oo ka tirsan gobolka Gabiley.

Ciidanka Bileyska Gabiley ayaa gacanta ku haya baadhista arrintan, waxaana la sheegay in ilaa hadda kiiskan loo xidhay ninkeedii, iyadoo sida la sheegay hooyadan la waayey Habeenkii Khamiiseed ee toddobaadkii hore, wakhtigaas oo Ninkeeda iyo rag kale ay ka shaqaynayeen jariska caleenta ama balka meydkeeda laga dhex helay.

SomlegalAds

Taliyaha qaybta gobolka Gabiley ayaa sheegay in shan cisho ay ku jireen raacdada haweenaydan oo la waayey, waxaanu yidhi “waxaanu soo helnay gabadh aanu raacdadeedda ku daba jirnay oo maalmahan aanu raadinaynay, waxaana laga waayey gurigeeddii oo ay joogtay, waxaana maanta (shalay) soo helnay meydkeeddii oo la qarinayey, waa nasiib wanaag mar haddii aanu helnay meydkeeddii, ninkii lagu eedeyaney waanu haynaa, kiiskiina gacanta ayaanu ku haynaa”.

Badhasaabka gobolka Gabiley Xamse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kiiskan gacanta lagu hayo, isla markaana loo baahan yahay in shacabka reer Gabiley is dejiyaan.

Badhasaabku wuxuu sheegay in shan cisho la raadinayey gabadhan, waxaanu yidhi “Arrintani waxay dhacday shan cisho ka hor, waxaana lagu jiray baadhitaan, ciidanka booliska Gabiley wuu baadhayey waxana la xaqiijiey in meydkii la soo helo,  waxay ahayd hooyo  siddeed caruura leh oo ka ugu yari laba jir yahay”.

Dhacdadan ayaa noqotay mid fajac ku ridda dadweynaha degan magaalada Kalabaydhka iyo deegaanada ka ag-dhow ee ka tirsan gobolka Gabiley, waxaana loo dheg taagaya hadba natiijada ka soo baxda baadhista dhacdadan oo bileyska Gabiley gacanta ku hayo, ilaa hadda lama aasi meydka marxuumaddaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.