WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro, ayaa balan ku qaaday inuu shaarubaha qalayl isaga xiiri doono, haddii xukuumadiisu ku guul daraysato fulinta balan qaadyadii ay shacabka dalkaas codka kaga heshay, iyo qorshihii ay dadka saboolka ah dib u dejinta ugu samaynayso.

Madaxweynaha nidaamka Shuuciyada figrada ku dhisan ku shaqeeya ee Venezuela Nicolas Maduro, ayaa hadalka ka sheegay waraysi uu siiyay telefishanka dawlada ee dalkiisa, waxaanu si adag uga hadlay, talaabooyinka lagu horumarinayo shacabka dalkiisa, gaar ahaan dadka ay noloshoodu aadka u hosayso.

Maduro ayaa ceeb iyo wax aan la qaadan Karin ku tilmaamay in wali aanay xukuumadiisu dhamaystirin halkii milyan ee guri, ee dadka saboolka ah iyo kuwa duufaanada ku baro kacay ay u balan qaaday sanadkii 2010-kii, xiligaas oo uu saxeexay Madaxweynihii ka horeeyay ee dalkaas, Hugo Chaves, kaas oo uu isaguna Madaxweyne Ku xigeen u ahaa.w6

SomlegalAds

Madaxweynaha Venezuela ayaa wacad ku maray in haddii balan qaadyada xukuumadiisu aanay ku fulin inta sanadka ka hadhsan, uu naftiisu ku ciqaabi doono, inuu shaarubaha qalayl ku xiiro, waxaanu shacabka dalkiisa gaar ahaan dadka saboolka ah ugu bushaareeyay in dhamaan balan qaadyadu ay fuli doonaan inta aanu sanadkan bisha kaliya ka hadhsan tahay aanu dhamaan.

Nicolas Maduro ayaa sidoo kale sheegay in qiimo bararka iyo dagaalka reer galbeedka iyo kuwa ay ku shaqaystaan, ay dalkiisa ku hayaan aanay waxba u dhimmi doonin horumarka iyo nolosha shacabka dalkiisa.

Waxaanu ka hadlay dhibaatada qiimo bararka shidaalka oo uu xusay in xitaa miisaaniyada dawlada aanay waxba u dhimmi doonin, dib u dhacna aanay ku keenayn doorashada iyo geedi socodka dimuqraadiyada dalka Venezuela.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.