WorldRemitAds

Dawladda Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday inay 600-kun oo shabakadaha laga daawado waxyaabaha fawaaxishka ah kuwaas oo dhibaato badan ku hayay dhalinyarada dalkaas.

Dalka Shiinaha oo la sheegay in dad lagu qiyaasay afar boqol iyo konton milyan oo qof ay isticmaalaan internetka taas oo ka dhigaysa dalkaas wadanka dunidda ugu balaadhan isticmaalka internet-ka.

Sida afhayeen u hadlay dawlada shiinuhu sheegay waxa gabi ahaanba shaqadii laga joojiyay oo aan dalkaas laga daawan Karin, in ka badan lix boqol oo kun oo shabakadood oo soo dayn jiray filimada dadka fusuqa iyo waxyaabaha xun xun sameeya gaar ahaan dhinaca galmada.

SomlegalAds

Dawlada Shiinaha ayaa sanadihii u danbeeyay si wayn ugu hawlanayd hakinta iyo sidii ay u dabooli lahayd maamulka internetka oo ka sakow dhinaca arimaha bulshada marka laga reebo ay dawlada dalkaasi uga cabsi qabto inuu internet-ku ku noqdo meel laga fidiyo aragtiyo iyo fikrado ku lid ah nidaamka shuuciga ah ee dalkaas ka taliya.

Chinese use computers at Internet cafe in NanjingDadka Shiinaha ee isticmaala internetka oo la sheegay in boqolkiiba labaatan ay ka noqonayaan dunidda dadka isticmaala internetka waxa kale oo xukuumadu talaabo adag ka qaadatay isticmaalka ama la socoshada shabakadaha faafiya arimaha fusuqa ah.

Dalka shiinaha heerka isticmaalka internetku ka gaadhay waxa si wayn loogu xasuustaa in xubno ka tirsan golaha wasiirada shaqadoodi looga eryay isticmaalka internetka oo ay habeenkii ku soo jeedeen ka dib markii ay ku dhex gam’een shirkii golaha wasiirada sanadkii 2009-kii.

Dawlada dalkaas oo kaashanaysa qaybaha isgaadhsiinta madaxa banaan waxay gabi ahaanba shaqadii ka joojisay lix boqol oo kun oo shabakadood, kuwaas oo ahaa kuwii loogu isticmaalka badnaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.