WorldRemitAds

Xidhiidhka dhinacyadda badan leh ee Somaliland iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya ama loo yaqaan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan la qiimayn karaynin tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda 1991-kii, islamarkaana aan lagu sheegi karaynin inuu yahay xidhiidh wanaagsan iyo inuu yahay xidhiidh aan wanaagsanayn.

Somaliland iyo DDSITuhunka reer Somaliland ka qabeen ismaamulka Soomaalida Itoobiya ama loo yaqaan DDS ayaa sidoo kale xidhiidhkaasi ku sheegi jirey mid aan wanaagsanayn, maadaama DDS weligoodba taageeraan midnimada Soomaaliya, islamarkaana aqoonsan waayeen qarannimada Somaliland marka lagu daro isku dhacyo dhex maray dad ku abtirsada Somaliland iyo ciidamada Liyuu Booliska. Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa iyaguna xidhiidhka labada dawladood ku tilmaama mid aan wanaagsanayn dawladda Kulmiyena dusha uga tuuray hoos u dhaca xidhiidhkaasi eediisa.

In kastoo labada shacbi ee labada dawladood aanay kala xidhan soohdimaha xidhiidhka ganacsi iyo kuwa khuseeya amniga iyo ganacsiga labada dalna weligiiba si caadi ah ugu kala socday labada dal. heshiisyo hore labada dawladood u dhex marayna midba kan kale ka daafacay belaayo ku soo socday, Dawladda Itoobiya oo Somaliland ka taageerta dhinacyada waxbarshada, ciidamada amniga iyo socdaalka, hase yeeshee waxa jiray shaki iyo tuhunno kale oo mar walba Somaliland iyo Itoobiya kala dhex-dhigi jirey, kuwaasoo ay ugu dambeeyeen weerarro Somaliland kaga imanayey dhinaca soohdinta Itoobiya, halkaasoo jabhado kala taabacsan Khaatumo iyo Awdal state dhufeysyo ka dhigan jireen soohdinta labada dal, weerarna kaga soo qaadi jireen Boorama iyo Buuhoodle.

SomlegalAds

Waxaas oo dhan marka laga tego Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo Wajaale kaga qaybgalay aaska marxuum Axmed Xasan Cawke ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ama DDS, halkaana ka sheegay in cadowga Somaliland yahay cadowga Itoobiya, hadalkaasoo tusaale fiican u noqon kara, ficilada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka muujiyeen jabhadihii ay kala hogaamin jireen Cali khaliif iyo Wabar iyo sida masuulyiinta DDS u fuliyeen heshiiskii labada dawladood ku dhex maray Diridhaba laba bilood ka hor, waxayna tallaabooyinka Itoobiya ama ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka qaadday ammandarada Itoobiya kaga imanaysay Somaliland marag u tahay halka haatan u marayo xidhiidhka labadaas dawladood, kaasoo aan loo nisbayn karin inuu ku yimi oo keli ah aaskii Marxuum Axmed Xasan Cawke ee ay masuulyiinta labada dawladood kaga wada qayb galeen Wajaale markii ugu horreysay taariikhda, sidaa darteedna xidhiidhka Itoobiya ama ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland uu maanta marayo meeshii ugu wanaagsanayd muddo sannado ah oo tuhun iyo shaki laga soo abaabulayey Muqdisho labada dawladood ku kala irdhoobi gaadheen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.