WorldRemitAds

Isbadalada iyo horumarka uu ku talaabsanayo tignoolajigu waxa uu marba marka ka danbaysa ay khubarada farsamaysaa ku dhaqaaqayeen inay sameeyaan ama soo bandhigaan waxyaabo ka yaabiya dadka caadiga ah, si wayna uga yaabiya caqli aadamiga.

Haddaba arrintii ugu danbaysay ee khabiirada Tignoolajigu dhawaan ikhtiraaceen ayaa ah baytariyo boqol jeer ka awood iyo tayo wanaagsan kuwa caadiyan imika dunida laga isticmaalo, kuwaas oo wali ku jira tijaabo, lana wado horumarintooda ayaa la sheegay inay tobanaan sanadood shaqayn karaan.

Talaabadan oo ay ku dhaqaaqeen khabiirada jaamacadda “Stanford” ee dalka Maraykanka ayaa la shaaciyay inay yihiin kuwo aad farsamadoodu u sarayso oo tayo wanaagsan, muddo boqol jeer ka badan kuwaas oo loo adeegsaday farsamayntooda qalab ku cusub habka baytariyada loo sameeyo.

SomlegalAds

Saynis yahanadan ayaa baytariyada u isticmaalay qaabka loo yaqaan molecular “nano” waxaanay horumar ku sameeyeen qaybaha ku dahaadhan qaybta dabka baytarigu isugu gudbiyo oo lagu sameeyay Maaddada loo yaqaan copper la horumariyay, taas oo awoodii baytariga ka dhigtay mid kun jeer laab ka badan intii caadiga ahaa, wakhtiga uu shaqaynayaana boqol jeer ku laaban laabmayso intii caadiyan ay shaqayn jireen.

Baytariyadan oo noocadoodu isugu jiraan, kuwa rikoodhada la gashado kuwa loo isticmaalo ilayska iyo kuwa qalabka elegtarooniga loo adeegsado, waxa baadhitaan tijaabo ah oo lagaga qaaday shaybaadka lagu tijaabiyo waxyaabaha la ikhtiraaco ay muujinaysaa in marka la isticmaalo Dahaadhka copper-based ee qaabka nano-crystalline in afartan kun oo jeer ay ku soo laban laabmayso awooda baytarigu intii uu hore u ahaan jiray, awood ahaan iyo isticmaal ahaanba.

Halka baytariga caadiga ahii ka yahay sideetan awooda isticmaalka waxa ay baytariyada cusub ee  “Lithium – ion,” noqonayaan 400 ilaa 600 cycle oo isticmaal taas oo sida lagu wado ay shaqayn karaan laba ilaa sadex sanadood.

Borofoseerka lagu magacaabo Colin Fasilis oo isagu hor kacaya kooxda baadhista iyo horumarinta baytariyadan samaynaya ayaa sheegay in baytariyadan ay ikhtiraaceen oo caadiyan sadex sanadood shaqayn kara ama dabkoodu awoodo inuu laba ilaa sadex sanadood shaqeeyo uu awood u leeyahay in muddo sodon sanadood ah la adeegsan karo isagoo aanay waxba iska badalin marka la buuxiyo ama isticmaalkiisa maalinle loo adeegsado.

Arrintan ayaa la rajaynayaa inay wax badan ka tari doonto dhibaatada isticmaalka baytariyada iyo hore u dhamaanshahooda ka haysata aadamiga oo inta ugu badan waxyaabaha ay adeegsadaan u badan yihiin kuwo ku shaqeeya baytariyo, sida Kaambuyuutarada iyo Telefoonada Gacanta iyo waliba waxyaabaha loo isticmaalo ilayska.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.