WorldRemitAds

Musharraxii mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cabdirashiid Xassan Mataan ayaa sheegay inuu gebi ahaanba ka tegey xisbigaasi, musharraxnimadiisii mansabka Madaxweyne ku xigeenkana ka tanaasulay, hase yeeshee aan hadalkiisaasi ku darin halka uu siyaasad ahaan ku biiri doono, mana sheegin inuu gebi ahaanba siyaasadda Somaliland  faraha kala baxay. Balse, tan badalkeeda waxaa uu ku dooday inuu ku sii jirayo hawalahaas.

Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ama deegaanka Boorama ayaa ka mid ah siyaasiyiinta reer Awdal ee siyaasadda ku soo biiray tan iyo markii ay dhacday xukuumadda Rayaale 2010-kii.

Cabdirashid Xasan MataanLabaatan sano ku dhawaad ayuu Cabdirashiid Xassan Mataan ka mid ahaa shaqaalaha iyo masuulyiinta hay’adaha Qaramada Midoobay intii aanu siyaasadda Somaliland ku soo biirin, waxaana uu ka mid yahay aqoonyahanadda  reer Awdal ee aaminsan qarannimada Somaliland. Waxaa uu ahaa siyaasiga ama musharraxa keliya ee xisbiyadda siyaasadda kaga jiray beelaha uu wasiirka u yahay Mudane. Abgaal ee deegaanka Boorama.

SomlegalAds

In kastoo is casilaadda Cabdirashiid Xasan Mataan, ku soo beegantay wakhti siyaasadda iyo siyaasiyiinta xisbiyada Somaliland wax badani iska beddeleen ka dib shirweynihii Kulmiye, hase yeeshee dad badan ayaan ogeyn in is casilaaddiisu ka horreysay masuulyiinta iska casilay Xukuumadda Kulmiye, lixdii bilood ee u dambaysayna aanu wanaagsanayn xidhiidhka ka dhexeeyay isaga iyo Guddoomiye Faysal, hase yeeshee maanta ama shalay uun la maqlay is casilaadiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.