Qalinkii Sacad X. Maxamuud Gadhle
Dhalintiyo barbaartay
Ma dhaqaajinaa fikir
Jacaylkana ma dhuuxnaa
Dood dheer ha noqotee
Dhigashada aqoontiyo
Dhaqaalaha ma koriyaa?
Islaamnimo ma dhawraa?
Dhaqankana ma xoojaa?
Inta badan waxaan tabin jiray qoraalo faro badan oo aan kaga hadlayo arimaha siyaayada geelse laba jir soo wada marye aan u bilaabo dood wadaag ku saabsan jacaylka iyo haasaawaha dhamaan bar baarta iyo dhalinta Somaliland iyo dadwaynaha Af-Soomaaliga ku hadlaba anigoo odayaynta la dhextaagnaan doona waana fikirkayga ee ka soo dhiibta afkaarta kala duwan ee laga aaminsanyahay jacaylka?
Akhriste bal dhandhanso oo dhugo maqaalkan iyo maansadan isku dhafan adigoo si qoto dheer u eegaya dhaqamada cusub iyo dhalinta. Maanta si dhaba u jaleec dhibaatooyinka uu jacaylku ku hayo dhaqankeenii suubanaa ee weheshanayay diinta islaamka. Hadaba, inkastoo dhaqanka Soomaaliyeed ay aad iyo aad u kooban yihiin taariikhda sugan ama sheekooyinka sugan ee ku saabsan jacaylka bal aynu wax yar dib u jaleecno sheekadii Cilmi iyo Hodan.
Ka dib markii Cilmi loo xaqiijiyay in la guursaday Hodan ayaa maalin maalmaha ka mida Cilmi la tusay tobaneeyo hablood oo ka mid ah qalanjooyinkii Soomaaliyeed ee gayaankiisa ahaa si loogu guuriyo ta dookhiisa noqota waxaanu kaga jawaabay tixdan gaaban ee odhanaysa ‘Qosolkaa yari waa waxaad nagu qaldaysaane
Aniguba khadraan soo arkiyo qaararkii hodane.
In aan eebahay idin qatalin qariya laabtiina.’
Isagoo tixdan gaaban ku cadeeyay in aanu guursan doonin haddii uu Hodan seegay gabadh kalle, In kastoo sheekada Cilmi iyo Hodan tilmaamayso amaba ay xaqiijinayso in uu aragti uun ku koobnaa jacaylku. Hadii aynu halkaa ku dhaafno sheekadii Cilmi iyo Hodan, bal aynu wax yar ka xusno sheeko kale, dhaqanka Soomaaliyeed waxaa jiri jiray in ay gabadhu mudu badan u doonanaan jirtay ninka iyagoo ugu badnaan is arkay amaba aan is aragba, balse tolka ama waalidkood kulmeen. ama ninku iyadoo aan qaan gaadh ahayn u geed fadhiisto. hadaba
mid ka mida ugaasyadii Soomaaida Itoobiya ayaa gabadh u doonanayd kalgacal badana uu u qabay ayuu nin kale oo reerkii u ugaaska ahaa aan ahayni kaxaystay isagaa arintaa ku dhacday aad uga murugaysan ayuu tiriyay tixo ay ka mid ahaayeen erayadan. ((Ninka ilo biyo leh soo arkee ooman baan ahaye.)). Iyaddoo arrintii utuntaasi keentay dagaallo culus oo sheeko dheer oo gaar u qormi karta noqonaysa. Hablo kalle oo badan oo la’isku dillayna waa badnaayeen, ama waxayba horseed ka ahaayeen dagaaladda beelaha dhex-maraa kuwo ka dhashay arrimahan haweenka iyo Jacayladda.
Sida ku cad labada sheeko ee kor ku xusan waxay ka warameen laba nin oo la yimid damac haween (jacayl) .
Run ahaantiikandhaqankeenii suubanaa iyo shareecada islaamkaba ka soo hor jeedaa waakanaan daawada lahayn, sida ku cad maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa ((nin waa inta naag ka soo hadha )) .
Waxaa kale oo aynu sheekooyinkaa hoos ku xusan ka faa iidaysan karnaa in uu faraq wayni u dhaxeeyo jacaylkii hore iyokanmaanta .
Jacaykii hore iyo kan maantu waxay aad ugu kala duwan yihiin xaga anshaxa, xishoodka iyo xiisaha, tusaale ahaan jacaylkaa hore wuxuu dhinac walba ka dugsanaayay dhaqanka, waxaanu ku koobnaa aragti laysku caashaqo oo quruxi keentay iyo Isir ama dun la’isku calmado, halka jacaylkan maanta laysku caashaqo u jeedooyin badan sida ay tilmaamayso maansadan ee aan ugu magac daray (DHIBTUU GAYSTAY JACAYLKU)
Dhab ahaan jacaylkana
Dhinacaan ka joogeen
Dhambaalkani ku soo qoray
Dhalaan habaabis weeyaan
Dhalo wuu ka fudud yahay
Waa dhool xagaayoo
Dabayluhu dhirbaaxeen
Ninka dhayal u haystow
Dhugo oo warkaygani
Inta dhoohan ee maqan
Dhawaaqayga gaadhsii
Inta dhalinta waashiyo
Inta dheef ku gurataan
Dhambaalkani u dirayaa
Intuu dhama’a galiyiyo
Intuu dhiilo uu baday
Dhambaalkani u dirayaa
Inta dhuuni raacdiyo
Inta dhoof ku doontaan
Dhambaalkani u dirayaa
Intuu dhaba dhabeeyiyo
Intuu dhagaha awdaan
Dhambaalkani u dirayaa
Inta magaca dhawrtiyo
Inta dookha dhaaftaan
Dhanbaalkani u dirayaa
Inta dhadhama raacdiyo
Inta dhalasho doontaan
Dhambaalkani u dirayaa
Ninka dhayal u haystow
Dhugo oo warkaygani
Inta dhoohan ee maqan
Dhawaaqayga gaadhsii
Dhabayaasha caashaqa
Iblaysbaa dhigaayoo
Aadam iyo dhashiisii
Damacaba dhex dhigayoo
Dhagartiisii qaabiil
Gayaankiisa dhaafiyay
Dhibaatada aduunyada
Jacaylkaaba dhaliyoo
Dhiigaba ku daadshoo
Dhagartaba bilaabee
Ninka dhayal u haystow
Dhugo oo warkaygani
Inta dhoohan ee maqan
Dhawaaqayga gaadhsii
Waxaan dhoof u raadshaa
Inta taladu dhaaftee
Raga dhiiran ee kulul
Dhooruhu ka ciil baxay
Een dhimana noolayn
Ilayn waa dhibtiisii
Dheeldheelintiisiyo
Dhicis kiisu badanaa
Ninka dhayal u haystow
Dhugo oo warkaygani
Inta dhoohan ee maqan
Dhawaaqayga gaadhsii
Inta wiil dhigayga ah
Caashaq kala dhantaaloo
Garashadu ka dhoohdoo
Dhabadii halaagiyo
Dhinac yaala geerida
Ilayn waa dhibtiisee
Dhagartiisu badanaa
Ninka dhayal u haystow
Dhugo oo warkaygani
Inta dhoohan ee maqan
Dhawaaqayga gaadhsii
Dhalintiyo barbaartuna
Kamadheregto waanada
horta sidiisaba waxa lagu magacaabo jacayl waa dhibaato aad u wayn oo bulshada aad u saamaysa kolay jacaylku dhibaato socota weeyi markaa waxaan dadka kula talin lahaa inay ka dheeraadaan cudurkaa xun ee layidhaahdo LOVE