W/Q. Maxamed Baashe X. Xasan
Injineer Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii maaliyadda ee dhowaan la beddeley, waa xilkas la tijaabiyey (la bilkeedey). Waxa uu ka mid ahaa foolaadkii SNM abaabuley ee aasaaskeeda ku dhawaaqay, salkana u dhigay ee meel mariyey gaylankeedii, waxaanu ka mid yahay fara-ku-tiriskii ku suntamay hal-adayga aasaasayaashii SNM ee aan maalinna ka hadhka iyo qadhaabka doonan, kana nasiino tegin hawadintii iyo hawlihii halgankaas xornimo-doon lagu xaqiijinayey.
Maalintaas SNM la dhidbay (1981) ilaa iyo maanlinkan maanta ah Maxamed Xaashi waxa uu ahaa, si tognaan hufan leh, geed- iyo goob-jooge muddakarnimo iyo xilkasnimo ugu adeega dadkiisa saboolka ah iyo dalkiisa curdinka ah eeSomaliland. Waa waddani daymo iyo garasho u leh baahida iyo baylahda dadkiisa, una heellan wax-ka-qabashadooda.
Xilligii SNM iyo xukuumadihii Somaliland u kala dambeeyey, gaar ahaan tii marxuun Cigaal (AHUN), tii Rayaale iyo tan Siilaanyoba, waxa uu Maxamed ka soo qabtay xilal kala duwan, isaga oo ku caana maalay oo lagu bartay xilkasnimo, hawlkarnimo iyo ammaano-qaadnimo waafi ah, sifooyinkaas oo mas’uuliyiinta intooda badani ku guuldarraystaan sugashada sidashadooda.
Xafladdii xil-wareejinta ee Maxamed Xaashi iyo wasiirka cusub ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ahayd isir soo jiidasho leh marka la eego sidii wax-ku-ollnimada lahayd ee Maxamed Xaashi Cilmi xilka u wareejiyey. Maxamed Xaashi waxa si qayaxan daboolka uga qaaday waxqabadkii wasaaraddiisu ku tallaabsatay muddadii labada sannadood ka yarayd ee uu wasiirka ka ahaa.
“Dayn dhan 57 milyan oo Dollar ayaa khasnadda dawladda lagu lahaa markii aannu xukunka la wareegney” ayuu Maxamed Xaashi halkaas ka tibaaxay, waxaanu intaas raaciyey “in nasiib wanaag uu Samaale maanta ka dhaxlayo khasnad aan wax dayn lagu lahayn, ayna dhex ceegaagto lacag ku dhow 14 milyan oo Dollar”!
Waxqabadka uu Maxamed Xaashi soo bandhigay oo dadku badiba ku baraarugsan yahay, ayaa ah inta badan inta dawladdan Axmed Siilaanyoba lagu majeerto:
1. Bixinta wixii dayn qaranka lagu lahaa, iyo kordhinta miisaaniyadda
2. Beddelidda Giinbaartii Burco ee tobannaanka jeer ee hore lagu hungoobey
3. Korodhinta mushahaarooyinka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada qaranka 100%
4. Kordhinta tirada macallimiinta iyo lacag ka dhaafka ardayda dugsiyada dawladda
5. Cusbitaalka Hargeysa oo sariirihii Ingiriisku kaga tegey laga beddeley
6. Qalabka kelyaha lagu maydho ama nadiifiyo oo iska yaalley cusbitaalka Hargeysa oo dib loo daryeelay, lana kiciyey, iyo dhakhaatiir aqoon u leh oo dibedda laga keenay, iyada hadda 80% baahidii dibedda loo tegi jirey la daboolay.
Maxamed Xaashi waxa kale oo uu daaha ka faydey oo yidhi “waddanku ma wax la’a. Hantida ummadda oo si hufan loo maamulo ayaa wax badan lagu qaban karaa. Haddii dadku cashuurta si buuxda u bixiyaanna intaas ka badan ayaa la samayn karaa”.
Intan uu hirgelintooda Maxamed Xaashi horseedka ka ahaa, waxa dhinac socdey qorshe iyo hindisayaal lagu beegsanayo horumar iyo tanaad nololeed oo Maxamed Xaashi iyana hormoodkeeda ka mid ahaa. “Waxa noo qorshaysnaa in aannu mar kale isla sannadkan mushahaarooyinka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada qaranka u kordhinno 20 – 30%”ayuu Maxamed Xaashi Cilmi tilmaamay, waxaanu hoosta ka xarriiqay oo yidhi “haddii shaqaalaha dawladda iyo ciidammada qaranka la siiyo mushahaaro ku filan waxa hagaagaysa tayada shaqada ay qaranka u qabanayaan, musuqana taas baa lagu laba-diblayn karaa”
Malaayiinka Dollar ee Maxamed Xaashi dalka dib u geliyey ama ku kaydiyey khasnadda dawladda ee uu wareejiyey, runtii awelba, way soo bixi jireen, hase yeeshee waxa ay geli jireen jeebadaha daloola ee ma-dheregtada deris-ku-noosha ah oo guryo balballaadhan kaga dhisan jirey waddamada dibedda ama siyaalo kala ugu dalxiisi ama tamashle luudi jirtey. Maxamed Xaashi oo taas daba-jooga ayaa yidhi “ninka madaxda ah ee guri qurux badan dibedda ka dhisanaya ee la og yahay halka uu ka keenay (dalkiisa) dib u dhaca iyo foolxumooyinka yaalla iyo xatooyadiisa xaaduqa ah, sidee buu qurux iyo qanaacaddeed ugu xasilli karaa, saw foolxumadiisu wejiga kagama qorna oo cid waliba fahmi mayso”!
Maxamed Xaashi Cilmi iyo qolyaha wax-is-dhaafinta iyo musuqu diloodey ee jeceli weligoodba col bay ahaayeen. Maaha Maxamed nin u nugul nahnahda iyo dusduska Soomaalida dhabarka ka jebiyey ee hantida ummadeed lagu lunsado. Maxamed Xaashi waxaa lagu yaqaannaa xalaal-quudsi, hal-adayg iyo han-weyni ka durugsan hunguri-xumo iyo agagasnimo oo dhan. Teeda kale, Maxamed Xaashi uma hamrado oo indhaha hoos ugama rogo madaxda ka sarraysaa haddii ay qarda-jeex ula yimaaddaan. Xitaa shisheeyaha kale isma hoos dhigo oo waxa uu adeegsadaa halbeegga in la galo heshiisyo is-buuxinaya oo labada dhinacba danahooda laga dhex arki karayo. Arrimahani waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha had iyo goor abuura isa seegga Maxamed Xaashi iyo madaxda ay wada shaqeeyaan sokeeye iyo shisheeyaba.
Dad badan baa tilmaamaya in xil-ka-qqadistiisu aanay hadda habboonayn oo lagu surma-seegay, loona baahnaa inuu sii ambaqaado qorshayaasha iyo hindisayaashiisa wax-ku-oolka ah ee lagu irmaanaynaayo maaliyadda waddanka iyo horumarka dalka ee ragaadka ba’ani naafeeyey. Waxba sekamajabna haddii madaxweynuhu mas’uul uu doortay xilka ka qaado, waxa se dhabar-jab ah in dadka qaar Maxamed Xaashi xagxagtaan oo dusha kaga waabaan dhaleecayn iyo dhalliil aan u miidaanday lahayn, una guntaan canbaarayn iyo guhaad aanu galabsan amaba aanu inaga mutaysan. Maxamed Xaashi waa qof oo falka iyo falaadku ma lihin way wada saxan yihiin, hase yeeshee tognaanta samaantiisaa hadhaysa oo ka badan intiisa tabnaan karta.
“Nin la yimi dedaalkii; anigaa wax u dara
Marna waxan daboolaa; xaglihiisa derida leh”! – Hadraawi
Injineer Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka mid yahay bir-ma-geydada ummadda. Xaraar cad ayuu u baxay oo taagni heegan ah uu labada addin dhulka hoos ugu turqaday, mise qof ama qofaf miiggan oo magacooda loo tudhaaba inaguma jiraan oo ma lihin oo guushaa la inagu khuukhiyaa!
“Berrina ha la aaso’e nin raga; baqaskii waa ceeb”! – M. N. Fadal
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan