WorldRemitAds
Tan iyo intii aqoonta sayniska aadamuhu horumarka wayn ka gaadhay, waxa si wayn isku soo tarayay in marba wax cusub iyo qalab suuqyada ka dhiman ama bulshada u sahlaya adeegyada ay u baahan yihiin ay culimada saynisku si wayn ugu dedaalayeen.

Haddaba waxa dhawaan khabiiro British ahi ay shaaca ka qaadeen inay soo bandhigayaan muraayada fidiyow ama telefishan tii ugu xajmiga yarayd uguna tayada iyo aragtida fiicnayd. Sida khabiiradan Ingiriiska ahi ay ku soo bandhigeen ama warbaahinta u cadeeyeen, shaashadan ama muraayadan ayaa ah mid u samaysan sida warqada oo kale oo la isku laab laabanayo marka aad daawashadeeda dhamaysto taas oo ay suura gal tahay, inaad isaga ridato jeebada boorsada kaambuyuutarkaga Laptop-ka ah.
Muuqaalada shaashadan ayaa iyagana lagu tilmaamay kuwii ugu aragtida fiicnaa ee abid la farsameeyo, isla markaana aan lahayn wax shucaac ah oo indhaha dhibaateeyo, waxa suura gal u noqon karta qofka isticmaalaya shaashadan inuu ku dhejisto gidaarka uu marba doonayo ama geed sudhan karo, isagoo balaadhkeeda iyo dhererkaba marba inta uu doono gaadhsiisanaya oo u kala jiidaya sida boodhadhka balastiga ah ee gidaarada lagu dhejiyo, waxaana suura gal u noqonaysa inuu gidaarka oo dhan ka wada dhigan karo shaashad ama muraayad fidiyow.
Saynis yahanada Ingiriiska ayaa rejo wayn ka muujiyay guul ay ka gaadheen, qaybaha muuqaalka sawirka iyo codka sameeyaa ee Radioactive crystals, ama loo yaqaan afka sayniska dhibcaha oo sameeya ama suura gelin kara xajmiga uu ka samaysmayo muuq baahiyaha ama shaashadu sida muuqaal sameeyaha kamaraduhu uga samaysan yahay Mega-Pixels.
Waxaanay culimada saynisku sheegeen, in habkan cusub ee ay ku guulaysteen uu suura gal ka dhigayo in heer kasta oo la doono laga dhigan karo shaashadaha telefishanada ee dunidaa.
Habkan cusub ee loo yaraynayo muraayadaha telefishanada laga daawado ayaa suura gal ka dhigaya, sida khabiiradu sheegeen in heerka muuqaalku gaadhay ka ugu sareeya dunida, kaas oo suura gal ka dhigaya in xajmiga xaada jidhka aadamaha aad si kasta oo loo soo dhaweeyo ka bogan karto.
Noocyada ugu horeeya ee Shaashadaha u farsamaysan qaabkan, ayaa lagu wadaa in tijaabadoodu dhamaato sanadkan aynu ku jirno suuqyadana ay soo gali doonaan sanadkan, ka dibna marka la saxo midabada, tayada iyo adeegyadooda farsamo suuqyada lagu sii dayn doono labo ilaa sadex sanadood gudahood.
Michael Edelman oo ah mareeyaha shirkada Nanoco oo ay isugu tageen shirkado tira badan iyo khabiiro ku xeel dheer dhinaca tignoolajiga, oo dalalka reer galbeedka iyo shirkadaha waaweyn ee Eeshiya ay ku bahoobeen, ayaa waraysi uu siiyay jariirada Daily Telegraph, qaabkan cusub ee ay u bedelayaan shaashadaha ku tilmaamay in ay noqon doonto talaabo, gabi ahaanba horseeda in laga guuro muraayadihii telefishanada ee cuslaa, xajmiga waynaa isla markaana dhibta badnaa oo dunida ay u hogaamin doonaan wax uu ugu yeedhay jiilka cusub ee farsamada tignoolajiga casriga ah ee loo sameeyo muraayadaha.
Inta ugu badan telefishanada dunida laga isticmaalo ayaa samayskoodu yahay, Muraayad ama Screen ka samaysan waxa afka qalaad loogu yeedho liquid crystal electronic valves iyo a thickness ah, oo xajmigoodu yahay 5 ilaa 7.6 cm. laakiin noocan cusub ayaa ah kuwo loo badalayo afka sayniska sida loo yaqaan, liquid crystal screen, oo ku shaqaynaysa qaabka dhibcaha ah, halkii ay markii hore ka ahayd habka Volves-ka loo yaqaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.