WorldRemitAds
Muuqaalka dhisme cusub oo loo binaynayo, wargeyska ugu wayn dunida ee ka soo baxa dalka Shiinaha, ayaa shaki badan iyo muran dhaliyay, waxaana injineerka dhisaya soo food saaray, eedaymo tiro badan iyo codsiyo faro badan oo lagu dalbanayo in la joojiyo, sababtoo ah waxa dad badani ku doodayaan inuu akhlaaq ahaan khalad u yahay.

Dhismahan oo ka kooban laba iyo sodon dabaq waxa uu noqonayaa isaga laftiisu dhismaha ugu dheer ee wargeys xarun ahaan u dhisto, balse markii dhismahaasi cirka isku shareeray ayay soo baxeen ama muuqaalkiisu u ekaaday sida ay dadka ka soo hor jeeda ku doodayaan, qaabka xubinta taranka ee ragga, taas oo akhlaaq ahaan fool xumo ku ah, isla markaana aanu nidaamka Shuuciga ah ee dalkaasi ogolayn in si buuxda fagaare loogu soo bandhigo.
Dhismahan waxa loo dhisayaa wargeyska codka Shacabka Shiinaha, taas oo lagu tilmaamo jariirada ugu safxada badan dunida, taas oo cadad kasta oo ay soo saartaa ka kooban yahay siddeetan bog, sida wargeyska Daily Mail ee Britain ka soo baxaa ku waramay, waxaana dhismahani markii uu muqaal ahaan u ekaaday, xubinta taranka ee Ragga, uu injineerka dhisayaa kaga jawaabay, kelmado iyaga laftoodu dood hor leh dhaliyay.
Injineerka Oo ay waydiisay jariirada (South China Morning Post) ee Jasiirada Hong Kong ka soo baxda, sababta uu muuqaalkan u doortay, iyo waxa uu ka odhanayo in muuqaal ahaan uu ekaaday, xubinta taranka ee Ragga, ayaa sheegay in isagu aanu arag muuqaalkaas, laakiin dumarku ay arkaan oo iyaga la waydiiyo, jawaabtaas oo warbaahintu ku tilmaantay in ay tahay ta sii hurisay sheekada ee cirka ku shareertay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.