WorldRemitAds

Qalab Cusub – Hargeysa, Somaliland, October 22, 2015 (Saxafi) – Maayarka Caasimaddda Hargeysa iyo xildhibaanadda golaha deegaanka caasimadda ayaa markii ugu horeysay dalka keenay Qalabka lagu dhiso Waddooyinka Casriga ah oo dhamaystiran oo wadooyinka caasimadda Somaliland ee Hargeysa lagu dhisi doono, kaas oo ay iska leedahay dawladda hoose Hargeysa.

Qalabkan cusub oo iskugu jira wershadda isku darta jayga iyo daamurka ee loo yaqaan (Asphalt Plant), Gaadiidka dhiga jidka laadiga ah casriga ah ee isku xidhan (Road Paver), mishiinka jayga sameeya (Crusher) iyo qalab iyo gaadiid kale oo loo adeegsaddo samaynta waddooyinka casriga ah ayey dawlada hoose ee Hargeysa ka soo iibsatay shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kuwaas oo qayb weyn ka qaadan doonna dhismaha waddooyin badan oo caasimaddu yeelato, iyo qalabkaas iyo gaadiidkaas kaga hortageen magaalo xuduudda Wajaale ee Somaliland.

Qalabkan iyo gaadiidkan oo noqon doonta Waaxda ama shirkadda dhismaha waddooyinka caasimadda oo dawladda hoose ee Hargeysa ka tirsan, ayaa waxa Wajaale ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Maayarka Caasimadda oo ay la socdaan dhamaan xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa oo ku faraxsanaa qalabkan waddooyinka oo ay sheegeen inay Dawladda hoose ee Hargeysa kaga raysan doonto kharashkii kaga bixi jiray kireynta qalabka iyo dhismaha waddooyinka caasimadda, isla markaana jidadka caasimaddu noqon doonaan kuwo casri ah oo la mid ah waddada hal-bowlaha magaalada dhexmarta oo kale.

SomlegalAds

IMG_20151021_034639Xoghayaha Dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabi ayaa sheegay in qalabkan u yimid qayb weyn ka qaadan doono horumar baaxad leh oo caasimadda ku talaabsato mudooyinka soo socda, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii, “Sanad gudihii waxaynu arki doonaa wadooyinkeena oo la tartama wadooyinka aduunka ama kuwa jaarkeenaba, waa qalab ka kooban shirkad qalabkeedu u dhamaystiran yahay oo iskugu jirta tii wadda qodaysay, tii qasaysay daamurka, tii lagu habaynayey, iska rogooyinkii, oo wershadina ka mid tahay, welina waxa soo socota qayb kale oo hadhsan. Balanteenu waa shaqo, insha alla waxaan arki doonaa wadooyin hilaacaya, wax badana waa la qabanayaa wax badana way inoo fududeynayaa, aadna waan ugu faraxsanahay.”

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelko) ayaa sheegay qalabkani wax badan ka tari doono wadooyinka loo baahan yahay, waxaanu tilmaamay in qalabkan oo dhamaystiran ay noqon doonto shirkad dawladda hoose yeelato oo u qaabilsan uun dhismaha wadooyinka, taas oo wakhtigii hore lacag badan kaga bixi jirtay kireynta qalabka lagu dhiso wadooyinka.

Ugu horeyn Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko oo arrimahaasi sharaxaya waxa uu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in aan shirkada Itoobiya ee METEC kala wareegno qalab dhamaystiran oo lagu dhiso waddooyinka oo wax ka dhimani aanay jirin, waana markii ugu horeysay ee dalka la keeno qalab caynkan oo kale ah, afar isku roggo, karasharkii, kuwii wadooyinka habaynayey, kuwii isku qasayey iyo qalab faro badan, inta dhimana dhexday ku soo jiraan, waxaan u mahad naqayaa golaha deegaanka oo soo iibinta qalabkan aan u soo bandhigay oo nagu taageeray iyo saddexdii xildhibaan ee markii aanu heshiishka la galaynay shirkadan ila socday ee ku calool adeegay in qalabkan la wareegno, waxa kale oo aan u mahad naqayaa gudoomiyaha jaamacadda Admas Cadnaan oo dhexdhexaadinta anaga iyo shirkaddda qayb ka qaatay.”

Maayar Soltelco oo ka hadlayey sababta ay u doorbideen inay qalabka ka soo iibsadaan dalka jaarka aynu nahay ee Itoobiya, ayaa waxa uu yidhi: “Marka Shiinaha qalab laga soo iibsado hadii wax kaa xumaadaan way ku adag tahay siddaad ku soo hesho laakin wadanka jaarkaaga ah way ka fiican tahay oo wadamada xidhiidh ganacsi ayaa inaga dhexeeya. Waxyaabaha noogu daran waxay ahaayeen tababaro habaynta iyo ka shaqaysiinta qalabkan iyo farsamaqaayadii shirkadaas oo tababari doona shaqaalaha reer Somaliland ee shaqayn doona iyo sidoo kale waxaa la socda gaadiidka qalabkii lagu dayactiri lahaa. Aad baan ugu mahad naqayaa dadka xidhiidhkaasi ka ka shaqeeyay.”

Sidoo kale, Maayarka Gabiley Maxamed Aamin ayaa isna soo dhoweeyey qalabkan cusub ee dawladda hoose ee Hargeysa la soo degtay, waxaanu ku amaanay horumarka uu ku talaabsaday maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.

“Maayarka maayarada waxaan ku hambalyeynayaa qalabkan dhamayska tiran ee aad soo iibsateen ee wadooyinka caasimadda lagu samayn doono, waana talaabo horumar ah oo bulshaddu u baahan tahay, waxaanan filayaa in anaguna kaaga dayan doono qalabkaasi dhamayska tiran ee waddooyinka ee aad soo iibsateen, maayaradda kalena dhiirigelin bay u tahay tallaabadani” ayuu yidhi maayarka Gabiley Maxamed Aamin.

Sidoo kale, waxa iyaguna si weyn u soo dhoweeyey xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa oo aan u kala hadhin soo dhoweynta qalabkan, kuwaas oo wejiyadoodda ka muuqatay farxad weyni, waxaana dhamaan qalabkii iyo gaadiidkii ay saarnaayeenba lagu soo wareejiyey caasimadda si dadweynuhu u arkaan, taas oo dadweynuhu gacmo furan iyo sacab ku soo dhoweeyeen.

Xildhibaanada halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Axmed Daahir, Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax, Xildhibaan Ilyaas, xildhibaan Ismaaciil Cago yare, Xildhibaan Cabdilaahi, iyo xildhibaan Maxamed Timacade, kuwaas oo shacabkoodda ugu bushaareeyey inay heli doonaan wadooyin tayo sare leh oo ka kharash yar kuwii hore ay u samayn jireen maadaama oo qalabkii ay haystaan, isla markaana ka raysan doonaan jid-xumada.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu weynaa dhinaca waxqabadka ee Maayar iyo Gole deegaan oo Somaliland ahi u qaado xaga horumarinta kaabayaasha bulshada, iyadoo wax weyn ka tari doonta dhismaha jidadka laamiga ah ee casriga ah oo kharash aad u badani maamulka caasimadda Hargeysa kaga bixi jiray.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.