WorldRemitAds

Dalka Shiinaha ayaa todobaadkan soo bandhigay diyaar wayn oo kuwa rakaabka ah, taas oo muuqaal ahaan iyo nashqad ahaanba aad ugu dhow, diyaaradaha ay sameeyaan, labada shirkadood ee reer Galbeedka ugu waaweyn, ee Boeing iyo Airbus, oo iyagu leh boqolkiiba sagaal iyo sagaashan diyaaradaha rakaabka ee dunida laga adeegsado.

Diyaaradan cusub ee Shiinuhu samaystay oo lagu magacaabo, C919 Jet, ayaa maalintii arbacadii todobaadkan duulimaadkeedi labaatanaad, ee ay ku dul haado dalka Shiinaha soo gaba gabaysay, waxaanay ka degtay Madaarka magaalada Shanghai, halkaas oo sida muuqata loogu sameeyay xaflad daah fur ah oo dunida lagula socodsiinayay.

CS3T7BEUAAUs_lDDiyaaradan ayaa awood u leh qaadista boqol iyo shan iyo toban qof oo rakaab ah iyo alaabtooda, waxaanay la tartami karta diyaaradaha waaweyn ee rakaabka ee shirkadaha Airbus ee waddamada Yurub Shuraakada ku yihiin iyo shirkada kale ee Boeing ee Maraykanku leeyahay ay sameeyaan, kuwaas oo dunida laga isticmaalo.

SomlegalAds

Diyaaradan ayaa dawladu Shiinuhu sheegtay in sanadka soo socda ee 2016-ka, si buuxda ay diyaaradani u hawl geli doonto, waxaana sida la sheegay lagu sameeyay ugu yaraan labaatan tijaabo oo is xig xiga, kuwaas oo ay ku dul duushay dalka Shiinaha oo ah ka ugu dhulka wayn qaarada Eeshiya.

Shiinaha ayaa isagu horumar wayn oo balaadhan ka gaadhay diyaaradaha dagaalka gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn, waxaanu ku dhawaad shanti sanadood ee ugu danbeeyay uu soo bandhigayay diyaarado casri ah oo dalkiisa lagu sameeyay.

Diyaaradan Rakaabka ee C919 Jet, ayaa dhamaanteed lagu farsameeyay gudaha dalka Shiinaha, waxaana la sheegay in kaliya dalka Ruushku taageero kooban oo dhinaca mishiinada ah ka siiyay, balse inta kale oo dhan ay khabiirada Shiinuhu gacantooda ku farsameeyeen.

Diyaadan ayaa markii ay soo baxday ee dunidu ka war heshay, isla markiiba dalalka Reer galbeedku dareen sakati ah, ka bixiyeen, waxaanay warbaahinta dunidu warinaysay sida ay shirkadaha waaweyn ee reer galbeedka iyo dawladahoodu uga naxeen, filan waagana ay ugu noqotay diyaaradani.

In kasta oo wakhti badan iyo jid dheeri hor yaalo dalka Shiinaha iyo sidii uu diyaaradan u iib gelin lahaa, waxa aan haddana la dafiri Karin in kaliya suuqa dalkiisa oo ay u buuxiyaan diyaaradahani, isla markaana uu Shiinuhu kaga kaaftoomo diyaaradihii uu labada shirkadood ee reer galbeedka ka iibsan jiray, ay ugu filan tahay guul, hoos u dhac wayna ku noqon doonto shirkadaha Airbus iyo Boeing.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.