WorldRemitAds

Maxkamada sare ee dalka Ingiriiska ayaa shan iyo afartan milyan oo dollar u xukuntay haweenay masiixiyad ah, oo la sheegay inuu qarsoodi ku guursada Boqorkii hore ee Sucuudi Arabiya Fahad Bin Abdi Casiis, waxaanu garsooraha maxkamada sare xukunkiisan ku amray in dhaxalkii ka hadhay boqorkaas ee carruurtiisu heshay laga bixiyo lacagtaas.

Sida ay ku warantay warbaahinta dunida intooda badani, garsooraha Maxkamada sare ee dalka Ingiriiska, Peter Smith, ayaa amray in carruurta ka hadhay boqor Fahad Bin Cabdi Casiis ay bixiyaan shan iyo toban milyan oo giniga Ingiriiska ah, oo u dhiganta 21-Milyan oo dollar oo kaash ah iyo mulkiyada labo ka mid ah fiilooyinka lagu raaxaysto ee uu magaalada London ku lahaa ay ku wareejiyaan, haweenay maxkamadu sheegtay in uu qabi jiray Boqor Fahad.

563911a1c46188ec1f8b45dbHaweenaydan lacagta iyo guryaha qaaliga ah loo xukumay oo lagu magacaabo, Jinan Herb, waxa sida maxkamadu sheegtay imika da’deedu tahay sideed iyo lixdan jir, waxaanu boqor Fahad isaga oo aan boqorka Sucuudiga noqon uu qarsoodi u guursaday nus qarni ka hor.

SomlegalAds

Jinan Herb, ayaa haysata dhalashada dalka Ingiriiska, hasa yeeshee waxay asal ahaan ka soo jeeda, qoomiyada masiixiyiinta reer Falastiin, waxaanay haweenaydani warbaahinta u sheegtay in sanadkii 1968-kii, uu guursaday Fahad Bin Cabdi Casiis, wakhtigaas oo sida ay sheegtay uu ahaa, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Sucuudiga iyo amiir ka mid ah boqortooyada.

Haweenaydan ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 1982-kii oo uu Fahad noqday boqorka Sucuudiga ilaa uu ka dhimanayay 2005-tii, uu si buuxda u kafaalo qaaday nolosheeda, wax kasta oo ay u baahan tahayna uu isagu siin jiray, nolol fiicana ay ku noolayd.

Markii uu dhintay sanadkii 2005-tiina uu wiilkiisa curad Amiir Cabdi Casiis Bin Fahad, uu balan ugu qaaday, inuu wanaajin doono, fulina doona hab dhaqankii uu aabihii igu xanaanayn jiray, balse markii wax hadal iyo jawaab ahi igaga soo noqon wayday, aan go’aansaday inaan dacwoodo oo aan maxkamada dacwadayda u gudbiyo.

Jinan Herb ayaa dhinaca kale cadaysay inay aad ugu faraxsan tahay go’aanka maxkamadu ka gaadhay, ayna ku rejo wayn tahay in carruurtii ka hadhay odaygeedu ay xukunka fulin doonaan ayna siin doonaan lacagta iyo guryaha loo xukumay oo qiimahoodu isku noqonayo shan iyo afartan milyan oo dollar.

Haweenaydan ayaa sheegtay in masiixinimadeeda ay aaminsan tahay diinta Kiristaanka, kuna barbaartay ay sabab u ahayd inuu boqor Fahad qarsoodiga u guursado, dhibaatana ay ku noqotay sidii uu uga dhaadhicin kari lahaa qoyskooda oo aad ugu adadag diinta, waxaana xitaa caqabad ku noqotay ayay tidhi, haddii aan muslimo sida ay qoyskooda iyo dadka Sucuudigu igu aqbali karaa, ama ay igu aamini karaan inaan muslimay.

Carruurta uu dhalay boqor Fahad ayaa haysta muddo sideed iyo labaatan cisho ah, inay kaga jawaabaan, kuna fuliyaan go’aankan maxkamadu lacagta iyo guryaha qaaliga ah ee ay aabahood ka dhaxleen ugu xukuntay haweenaydan masixiyada reer Falastiin ah ee la sheegay inuu qarsoodi ku guursaday aabahood.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.