Hargeysa, Somaliland, Decembar 10, 2015 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay war shalay ay baahisay Idaacadda BBC-da laanta Af Soomaaliga oo xiganaysay madaxda Maamul goboleedka Soomaliya ee Puntland oo ka hadashay Sahamin shidaal baadhis ah oo Xukuumadda Somaliland ka Waddo gudaha dalka goobo ka mid ah.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaalle oo ka jawaabayay dhawaaqa ka soo yeedhay Maamulka Puntland, ayaa sheegay in Somaliland aanay marna ku xad gudbin soohdin dal kale isla markaana ay baadhitaano macdan iyo kuwo shidaalba ka wado dalka Somaliland gudihiisa kuwaasoo uu caddeeyay in aanay cid kale Somaliland u daba fadhiisanayn khayraadka dalkeeda ee ay la soo baxayso ama sahaminta ku samaynayso. “Marka ugu horraysa dalka Somaliland xaq ayuu u leeyahay in uu macdan iyo shidaal baadhisba ka sameeyo dalkiisa, dawladduna waxay baadhitaanno ka wadaa guud ahaan dalka Somaliland, taasoo ay wadaan afar shirkadood oo caalami ah oo ay Xukuumadda Somaliland heshiisyo sharciya kula gashay sahaminta shidaal iyo macdan baadhista, ”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle oo xalay khadka Telefoonka ugu warramay warbaahinta dawladda.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu jirin dal Puntland la yidhaahdo oo xuduud la wadaaga Somaliland, waxaanu yidhi “Horta Somaliland, dal Puntland la yidhaahdo oo ay xuduud wadaagaan ma jiro, Somaliland waxay xuduud la leedahay dalalka Geeska afrika ee ay dariska yihiin oo ay ka mid tahay Soomaaliya, Puntlandna waxay ka tirsan tahay Soomaaliya, waxaanay qeyb ka tahay maamul gobolleedyada Soomaaliya ka jira.
Soohdinta Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaanna maaha mid la mid ah laamiga Gaalkacayo dhex mara ee dagaal beeleedku ka dhaco. laakiin waa soohdin la mid ah xuduudaha ay wadaagaan dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo guud ahaan dalalka qaarada Afrika ee ku salaysnaa soohdimihii caalamiga ahaa ee qaarada Afrika gumaysigu ku kala qeybiyay oo ah ka maanta dalalka Afrika ay waddamada ku yihiin laakiin nimanka Garoowe ka soo qeylinayaa waa nimanka ku murmaya xeebta Waqooyi ee Kiiniya oo aanay jirin meel ay iska gaadhaanba. ” “Markaa waxaan leeyahay waxaad cuni karaysaa la hungureeyaa, laakiin Somaliland dalkeeda iyo khayraadkeedu dalka iska leh ayuu gaar u yahay, deegaan iyo dal qabiil xadeeyaana ma jiro, deegaanka Xuddun iyo Taleex ee uu qabiil ahaan ayaan u leenahay uu leeyahayna waa dalka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba, mana jiro dhul soohdintiisu ay reer tahay laakiin qaarada Afrika xuduudeeda la yaqaan ee caalamga ah ayay Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaan, ”ayuu yidhi doodiisa ugu quus gooyay Wasiirku Hadaaqa ka soo yeedhay Puntland.