WorldRemitAds

Somalia 60kii bay cadaalad uga dhawaayeen maanta. Barlamankii berigaa wuxu ahaa sidan:
Somaliland 33 kursi
Somalia 90 kursi
Isugeyn 123 kursi

Maantana eeg kuraasida Aqalka Sare ee Baarlamanku markii lagu kordhiyay 18 xubnood oo dambe wuxu noqotay saami qaybsigoodi sidan:

Somaliland 14 kursi
Puntland 14 kursi
Galmudug 14 kursi
Hirshabeelle 11 kursi
K/galbeed 11 kursi
Jubbaland 11 kursi

SomlegalAds

Somaliland 14 kursi
Somalia 58 kursi
Isugayn 72 kursi

Taasi macnaheedu waxa weeye Somaliland waxay u dhigantaa Puntland ama Galmudug mid ahaan. Puntland iyo Galmudugna garo oo waxay ahaayeen laba gobol oo ka mid ahaa lixdii gobol ee Somalia intii aanay Somaliland isku darsami. Markaa Somaliland waxay u dhigantaa hal gobol oo lixdii gobol ee Somalia ka mid ahaa.

Marka ay sidaa tahay Somalia waxa la gudboonayd laba mid ahaan:
In si looga qiyaas qaadan karo marka hore Barlamaanka ay samaynayaan ku muujiyaan sida ay doonayaan in Somalia iyo Somaliland ay wax u qaybsadaan oo caqli gal ah. Maaha dhinacooda uun ee xataa dhinaca Somalilandna ay tixgeliyaan

Laba in gebi ahaanba aanay Somaliland ku darin saami qaybsiga ee shakhsiyaad ay iyagu ka xusheen inta la joogta ee aan cidna metelin ay ku daraan cadeeyaana in cadkii Somaliland laaban yahay lana sugayo hadba sida uu xaalku u dhaco ka dib wadahadalada labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland. Laakiin sida imika ay wax yidhaahdeen waa/ HA II SOO SOCONE NOQO waana fariin cad oo ku socota dadka Somaliland oo dhan oo u sheegaysa intii 60kii aanu idin siinay way badnayd oo xaq umaydin wada lahayn ee cadkiini waa kan eh bismilaha dheha.
Nimankan Somaliland way ka baqdaa oo marna si run ah loo lama hadlin kuwa loo socdaana iyaga ayaa u baahan in wax loo sheego. Hadii ay rag rag ah mar uun fooda is dari lahaayeen beri hore ayaa xal la gaadhi lahaa
Markaa inta xaalka Somaliland yacyacoodka yahay ee caydhin iyo busayl midna ahayn arinku saw maaha ISMOIG UDBIHII BAY ASLAYSAA IS MANA OGA

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.