WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, December 26, 2016 (Saxafi) – Hoggaamiye dhaqameedyada Gobolka Awdal ayaa shalay ka dareen celiyay hadal ka soo yeedhay xubno ka mid ah hogaanka dhaqanka ee gobolkaas oo lagu naqdiyay guddoomiyaha Hogaankaasi suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Shir jaraa’id oo ay Boorama ku qabteen madax-dhaqmeedkani ayaa sidoo kale waxay xubnahani kaga hadleen qaab-dhismeedka golaha dhaqanka iyo jidka loo marayo hadii wax laga beddeleyo shirguddoonka ama khilaaf soo kala dhex galo.

Ugu horreyn waxa shirkan jaraa’id ka hadlay Caaqil Cabdi Axmed Cige oo yidhi. “Waxaan marka hore  dadweynaha iyo walaalahayaga reer Somalilandba ka raalligelinaynaa hadallo dhawaanta ka soo yeedhay xubno ka mid ah hogaamiye dhaqameedyadda gobolka, imikana kama doonayno inaan wax jawaab ah ka bixinno hadalkoodaasi waxaanse xusuusinaynaa dedaalkii loo soo maray dhismaha hogaanka dhaqanka ee beelaha Gedebuursi “, kaas oo lagu go’aamiyay shir-beeleedkii Gebebuursi ee Geb laba sano ku dhawaad ka hor. Waxa go’aankaasi saxeexay in ka badan 700 oo xubnood oo ka mid ah hogaanka dhaqanka oo uu guddoominayay Ugaaska beelaha Gedebuursi Ugaas Cabdirashiid, mana aha gole ciyaar ku dhismay ee tacab ayaa loo soo maray. hadiise cid ka mid ah goluhu wax tabatay waxay ahayd in shirguddoonka la hor keeno oo laga doodo. “

SomlegalAds

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Suldaan Abshir Muxumed Ducaale oo yidhi ”Waan ka xun nahay in xubno ka mid ah hogaanka dhaqanka beelaha Gedebuursi maanta ka hadlaan wax ka baxsan danaha beelahaasi loona baahnaa inay hor yimaaddaan shirguddoonka kana jeediyaan badheedhahooda, waxaanan dhammaan beelaha Gedebuursi gudo iyo debedba ka raalli gelinayaan hadaladaasi. Golahani maaha mid dhawr qof oo wax ka sheeg sheegaa burburin karaan ee waa gole shirguddoonkiisa lagu beddeli karo shirweyne ay ku kulmeen intii saxeexday oo Ugaaska Gedebuursi ku jiro. Waxaanan leenahay ciddii wax tabanaysaa ha hor timaaddo golaha si loo saxo haddii wax qal dameen”

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo xubnaha golahaasi kula dardaarmay inay ilaaliyaan midnimada beelaha gobolka iyo beelaha kale ee dalka, lagana fogaado wixii kala kaxaynana umadda, hadii wax qaldamaanna aan loo adeegsan saxaafadda iyo siyaasadda.

Hadalka hogaamiyedhaqameedyadan ayaa ka dambeeyay dhawr maalmood ka dib markii xubno ka mid ah beelaha Gobolku sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiyaha golaha dhaqanka ee beelaha Gedebuursi hadalkaas oo badi qaybaha kala duwan ee dadweynaha gobolku qoonsadeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.