WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 26, 2016 (Saxafi)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle , ayaa furay kulan lagaga doodaayey Qorshaha wada shaqeyneed ee ay wada yeelan doonaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga ah ee sannadda 2017-ka soo socota taas oo muhiimadda ugu weyn ee shirkaasi looga dan leeyahay ahaa sidii  160,000 (Lix iyo Toban Kun ah) oo shaqaale dawladdeed hada xisaabsan balse loo baahan yahay siyaasad cad oo lagu hubinaayo laguna kala saari lahaa  inta sida tooska ah shaqada dawliga ah u gudata iyo inta Shaqaalaha caaglaha ama aan jirin ee shaqeyn  hadana mushahaaraadka qaranka ka qaata si loo kala hufo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa shalay  Xarunta hoolka Shirarka ee Hay’adda shaqaalaha dawladda ku daahfuray  oo Shir loogu magac daray Qorshaha  “Tallo, Tilmaam iyo Toosinta  sannadda  2017-ka”  ee 160. 000 (Lix iyo Toban Kun) oo shaqaalaha dawladda ah, waxaana kulankaasi ka soo qaygalay, guddoomiyaha Hay.adda shaqaalaha, agaasimaha guud ee Machadka Waxbarashada CSI, iyo xubnaha shir aqooneedka loo qabtay oo kala ahaa guud  ahaan agaasimayaasha iyo madaxda hay’addaha dawliga Somaliland ee dalka, iyada oo kulanka furitaankiisa uu Guddoomiye Md Sharmarke ka sheegay halkaasi in qorshaha loo baahan yahay ee salka loo dhigi doona uu shirkaasi halka maalin ahi socdo  yahay sidii loo kala haadinlahaa, isla markaana caddaalad iyo xaqooda inay helaan loogu hindisilahaa loona kala saarilahaa shaqaalaha tiradda badan ee qaranka Somaliland ka hawlgala ee mushahaaraadkana ka qaata.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu horeyn madashaasi ka hadlay wuxu yidhi “Guud ahaan kulanka ama shirkan aanu maanta iskugu yeedhnay Hay’addaha dalka, waa talo, tilmaan iyo toosin in aynu arimaha qarankeena quseeya ka tashano isla markaana hanaanka haboon iskugu tilmaano ama waxyaalihii qaldan iskaga toosino in aad tihiin masuuliyiintiina shirkan maanta ka soo qaybgalay salka dawladnimadda iyo horumarinteeda, runtii shaqaalaha dawladda Somaliland oo ay ugu sareeyaan Agaasimayasha guud, waa dadka dalka horumar gaadhsiin kara ama hagardaamo gaadhsiin kara, qiimaha ugu badan ama khayraadka uu maanta dalkeena Somaliland leeyahay waad og tihiin oo Shidaal, Macdan iyo Baadrool dalkeenu wali inoomu soo bixin, laakiin waxaanu haysanaa waa dad, dadkaana loogu talo galay inay soo saaraan wixii khayraad umadda ka daahan ee dhulka hoostooda kaga jira

SomlegalAds

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo hadalkiisa sii watay waxa si gaar ah u la hadlay agaasimayaasha guud  iyo madaxda hay’addaha dawladda 50-ka tiraddoodu ka badneyd ee kulanka loo qabtay waxaanu yidhi “Mudanayaal waxaad tihiin dadkaasi aan dooneyno inay qaranka horumar gaadhsiiyaan oo cida maamusho ee Illaahay dushooda suday ayaad tihiin, waxaynu og nahay sidii xilka qaran laydiinku cugtay, ayaan ayaa bari ka maalin uga tegi doontaan xilkan aad maanta qaranka u haysaan , waxaana idinka raaci doona xus iyo xasuus, magac iyo maamuus wixii aad qarankan kaalin ka geysataan , mudanayaal saaka waxaynu halkan u wada joogna sidee ayeynu shaqaalaheena dawladdu marka hore albaabka ay shaqo qorista ka soo gelayaan aynu u qurxin karaa, marka ay inoo soo galaan sidee ayeynu u haadinaa dadkii ku haboona inay qaranka Somaliland u shaqeeyaan, markay inoo soo galaan sidaynu u tayeynaa inta inoo joogta sidaynu u tayeynaa sidaynu u madaxtiriniaa tirinaa, isla markaana Islaanta miskiinta ah marka laga soo qaado lacagta  Cashuurta sidaynu u hubinaa shaqaalihii ku haboona inay gacantiisa ku dhacday, markay gacantiisa ku dhacdayna in aynu ka dabatagno laga qaado sidaynu lacagteedii adeegii ay mudneyd qofkaasi ma bixiyaa”

Md Sharmarke Geelle  ugu dambeyntii waxa uu inta ku daray sida ugu haboon ee ay tahay in lagu kala saaro shaqaalaha saxda ee dawladda mushaharka ka qaata iyo kuwa mad madawga iyo iyaga oo aan shaqaale daacad ah aheyn hadana qaranka mushahaar aanay u qalmin ka qaata waxaanu yidhi “Mudanayaal saaka waxaynu dooneynaa in aynu ka tashano sidaynu shaqaalaha dawladda ku qoraneynaa sidee qorka inaga dhinta aynu u amba bixineynaa, sidee kaalinta banaanaata loo buuxinayaa sidee kii dhintay ama shaqada ka tegay ama la eryey ama hawlo ku soo beegmeen sidee ayeynu wixii uu xaq u lahaa u siineynaa oo sidee ayeynu hanaan wanaagsan ugu sabootiyeynaa sidee ayeynu u dhiirigelinaa oo hadii uu mashaqayste yahay side iyo habke ayeynu u marnaa in aynu shaqadda ka joojino qofka, shaqada shaqaalaha ahi in uu shaqada qof nebcaysi kagaga saarnona maaha in aynu qof jeclaysi ku shaqaalaysiinona maaha  ee waa in qofka shaqaale dawladdeedi waa in uu nadaamna inagu soo galo nidaamna aynu wax ku qorno hadii aanu shaqaysaneyna nidaam shaqada kaga saarno, masuuliyiintiina i hor fadhiya waxaan idiin sheegaya maanta waxaynu ka hadlayna ee u fadhina maaha 100 qof oo shaqaale ah, waxaynu ka tashaneynaa 160,000 (Lix iyo Toban Kun ah) oo shaqaale qarankeena u shaqeeya ugu dababtagnaa oo u tirinaa u tirakoobnaa u tayeynaa inta inoo soo geli doontana albaab fiican ugu sameynaa, mudanayaal shaqaala dhalinyarta u badan ee dalkeenu cunto iyo raashin inooga ma baahna oo qof kasta Illaahay ayaa arsaaqadiisa qoray ee waxay inooga baahan yihiin Caddaalad iyo sinaan xaga shaqada ah ina helaan, taasina maaha wax aynaan awoodi karin ee waa mid inaga inagu xidhan oo aynu awoodno”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.