WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 25, 2016 (Saxafi) – Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hure Buubaa ayaa sheegay in ku biiristoodii WADDANI ay bedeshay khariidadda Siyaasadda Somaliland, isla markaana loo baahan yahay inay dadweynaha Somaliland ku soo biiraan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga WADDANI ayaa sidaasi ka sheegay xaflad loo qabtay dumar deegaankoodda ah oo ku soo biiray shalay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu sheegay in xisbiga taladda haya ee KULMIYE uu been u sheegayo shacabka Somaliland. “Way cadaatay arrin aanu hore u sheegnay in ku biirista aanu WADDANI ku soo biirnay inay noqonayso mid bedela khariidadda Siyaasadeed ee Somaliland.”ayuu yidhi Ismaaciil Hure Buubaa, in kastoo aanu sheegin waxay khariidadda siyaasadeed ee Somaliland ku bedelayo iyo ta siyaasadda Somaliland ee cusub ee u waddaa waxay tahay.

Ismaaciil  Hure Buubaa oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Aad baan dumarka faraha badan ee halkan iskugu yimid  ee goostay inay ka mid noqdeen xisbiga WADDANI aad bay umahadsan yihiin, shaqaduna waa bilow,  waxaanan ka shaqayn doonaa in dumarka Somaliland oo dhan iskugu yimaadaan WADDANI, waxgaradka Somaliland oo dhami waa inay iskugu yimaadaan WADDANI, waayo Somaliland badbaado ayey u baahan tahay,way dhamaatay boobkii iyo beentii uu ku shaqaynsan jiray xisbiga KULMIYE, khariidada Siyaasadeed ee Somaliland way is bedelaysaa, ma doonayo in aan arrinta ku sii dheeraado, waxaan u mahadnaqayaa dumarka halkan iskugu yimid ee soo ajiibay inay ku biiraan WADANI.”

SomlegalAds

Ismaaciil Hure Buubaa ayaa muddo dheer aaminsanaa mabda’a Soomaali weyn, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya, haseyeeshee dhowaan ku soo laabtay Somaliland, isla markaana ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.