WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 25, 2016 (Saxafi) – Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa xisbiga WADDANI ka dalbaday inay shacbiga u caddeeyaan shir ay dhowaan Madaxda Xisbigaasi ku galeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo shaki badan abuuray, isla markaana bulshadu aad isu weydiinayso waxa uu daaranaa.

Shirkan hadal hayntiisu badatay oo la sheegay in madaxda xisbiga WADDANI Nairobi kula yeeshay Ra’iisal-wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa waxa wax ka qoray qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, kuwaas oo sheegay in labada dhinac ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha sidii ay labada dal dib ugu midoobi lahaayeen.

Xisbiga KULMIYE

SomlegalAds

15726612_348216455542080_8982265229575183956_nXisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka codsaday dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI inuu bulshada u caddeeyo kulamo qarsoodi ahaa oo magaalada Nairobi ku dhexmaray wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Muqdisho oo sida la weriyey uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid.

Warbaahinta Kenya, ayaa maalmahan soo bandhigaysay faahfaahinno ka soo baxay kulamo xogtooda la daahay oo hoggaanka xisbiga WADDANI kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiin xukuumadda Muqdisho ka tirsan, laguna lafo-guray sidii midnimada Somaliland iyo Soomaaliya looga shaqayn lahaa haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshayn sannadda 2017-ka.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Hargeysa maanta, waxa uu hoggaanka xisbiga WADDANI kaga dalbaday inuu caddaymo dheeraad ah ka bixiyo kulankaas oo warbaahinta Kenya intooda badani ku sheegeen in labada dhinac kaga wadahadleen sidii mustaqbalka loo midayn lahaa Somaliland iyo Soomaaliya haddii uu xisbiga WADDANI ku guulaysto doorashooyinka soo socda.

“Waxa muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland isweydiinaysay safarkii madaxda xisbiga WADDANI ku tageen dalka Kenya oo ay su’aalo badani ka soo noqonayeen, iminkana ifafaale iyo warar cusub oo warbaahinta dalka Kenya ay qorayaan ayaa ina soo gaadhaya, waxaanay taasi muujinaysaa in guddidaas oo ah hoggaankii xisbiga WADDANI ay la kulmeen xubno ka mid ah dawladda Muqdisho oo uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid, kana wadahadleen sidii mustaqbalka haddii uu xisbigaasi ku guulaysto doorashada loola midoobi lahaa Soomaaliya,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaadhaafi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu u soo jeediyey hoggaanka WADDANI inay shacabka u sheegeen wixii lagaga wadahadlay kulankaasi qarsoodiga ahaa, “Waxa aynu ognahay in xisbiga WADDANI taageerayaashiisa ballaadhani ay yihiin dad reer Somaliland ah oo ku gawracan qaddiyadda Somaliland, xisbiguna xisbi qaran oo axsaabta Somaliland ka mid ah uu yahay, waxaanuna leenahay hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashiisaba ha u caddeeyo waxyaabihii ay halkaas la tageen, ciddii ay la kulmeen, wixii ay ka wadahadleen iyo arrimaha ay warbaahinta Kenya qorayaan waxa ka jira, intaas wixii ka dambeeyana waxanu warbaahinta soo siin doonaa wixii warar ah ee arrintaas kasoo kordha.”

Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay dhaawacyo saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI loogu gaystay magaalada Hargeysa dhawaan, waxaannu xusay in xisbiga KULMIYE ka xunyahay arrintaa, isla markaana waxa hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay dadaalgeliyaan sidii loo soo qaban lahaa cidda dhibaatadaas geysatay, “Xubnihii ka tirsanaa xisbiga WADDANI ee maalmihii aynu soo dhaafnay goor habeennimo ah dhaawacyo loogu geystay magaalada Hargeysa aad iyo aad baanu uga xunnahay, Ilaahayna waxaannu ka rajaynaynaa gacan ka xaq-daran baa waxyeeshaye inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ciddii og wixii wax u geystayna waaa inay sheegaan, ciddii aan ogayna inay hay’adaha ammaanka ka caawiyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkaas,”ayuu yidhi afhayeen gaafaadhi.

Xisbiga UCID

ucidXisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa isna ugu baaqay xisbiga WADDANI inay cadeeyeen kulankan dhexmaray masuuliyiinta WADANI iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ee uu qoray wargeyska Star oo ka soo baxa wadanka Kenya.

Xisbiga UCID ayaa sheegay haddii ay caddeyn waayaan kulankaasi in maxkamad la geeyo, isla markaana ay khalad weyn oo ay ummadda ka galeen tahay inay Soomaaliya kala hadlaan midnimadda Soomaaliya.

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamed Xasan Khayre Shabaash ayaa, si kulul u cambaareeyey shirkii qarsoodiga ahaa ee Nayroobi ku dhex maray masuuliyiinta WADANI iyo Ra’iisal wasaaraha Somalia Cumar cabdi rashiid.

Afhayeenka xisbiga UCID Shabaash oo arrinta wargeyska Star ee Kiinaya daabacay ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan gacanta ku hayaa wargeyska qoray ee STAR ee Kenya ee sheegay in xisbiga WADDANI la kulmay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, arrintaasi waa arrin khatar ah oo qaran dumis ah umadda Somaliland iyo qarankaba meel ka dhac ku ah, ta layaabka leh ee ka dambaysa waxa weeyi ha laba soo qoree, haddii aanay arrintaasi waxba ka jirin waa xisbi qaran oo umada Somaliland cod ka  doonayee, waxay ahayd inuu cadeeyo in aanu arrintaasi ku jirin, ilaa hada kalmad lagama hayo ku saabsan warkan laga qoray, waxaan leeyahay waa qaran jab waa  xisbi qaran waa waax qaranka go’aysa, haddii ay waxaas ku jiraan,  waxaanay cadaynaysa qoraaladda jaraa’idku inay heshiish la galeen midnimadda Soomaaliya heshiish kula galeen, waxaan leeyahay arrintaasi haddii aanu WADDANI Jawaab cad ka bixin waa dami qaran ee maxkamad qaran ha la geeyo, waa dambi ay ka galeen umaddii xisbi qaran ka gashay ee u codeeyey, waa khiyaamo qaran haddii kalena ha cadeeyaan siday wax u dhaceen hadii aanay jirin ul dheer ha iskaga duwaan, rag dhaliilo halkaasi (Soomaaliya) la sheegayo ku leh way ku jiraan, rag midnimo sida oo Somaliland ahina way ku jiraan, oo aan hubo inay Somaliland ku mitidayaan, rag halkaasi loo tirinayo baryahanba waa la xamanayo way ku jiraan (WADDANI), arintaasi waxa la idinka rabaa xisbiga haddii aad tihiin inaad cadaysaan inaad khiyaamadda qaran ku raacsan tihiin iyo in aydaan waxaasi qabin cadaysaan ayaa 24 saacadood ee soocda la idinka rabaa” .

15672514_360379264323180_9207844921145554808_n

15697238_360379227656517_6013456964558777055_n

15676116_10202606287196173_8059688564753233640_o

15621728_360379290989844_8251789114836987889_n

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.