WorldRemitAds

 “Somaliland Waxay Ku Sii Durkaysa Inay Dib Ula Midowdo Somalia Kadib 25 Sannadood Oo Ay Kala Qaybsanaayeen” Cinwaanka Warka Wargeysku daabacay

“Guddoomiyaha Xisbiga Ugu Weyn Mucaaridka Somaliland wuxuu tibaaxay inay suurta-gal tahay in Somaliland iyo Somalia dib u midoobaan” The Star

Nairobi, Kenya, December 24, 2016 (Saxafi/The Star) – Mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya, ayaa daabacay war uu ku sheegay in hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu sheegay inay suurta-gal tahay in mar kale ay dib u midoobaan Somaliland iyo Somalia.

SomlegalAds

Warkan Wargeyska “The Star” daabacay shalay ayaa waxa lagu sheegay tani ka dambaysay kulan dhexmaray Ra’iisal-Wasaaraha Dawladda Federaalka Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefti culus oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, kadib markii ay toddobaadkii hore booqasho culays badan xambaarsanayd ay madaxda sarsare ee xisbigaasi ku tageen Nairobi, xarunta dalka Kenya.

15622590_1786292371621221_2828917592563227064_n“Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaridka Somaliland ayaa tibaaxay inay suurta-gal tahay in ay [Somaliland] dib ula midowdo Somalia” Sidaa waxa lagu bilaabay warka uu daabacay wargeyska “The Star”.

Waxa kale oo warka Wargeyska “The Star” lagu yidhi: “Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, waxa kulankiisii Ra’iisal-wasaaraha dawladda Federaalka Somalia lagu wada gaadhay in lagu hubiyo sidii dib loogu mideyn lahaa Somaliland iyo Somalia.”

Waxa kale oo warka wargeyskan lagu daabacay oo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Lewis Nyaundi, ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulanka Serena Hotel ku dhexmaray Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisal-Wasaare Sharmaake ay sidoo kale ka qayb-galeen xubnihii weftiga Xisbiga Waddani ee socdaalka ku joogay Nairobi.

15697471_10154400578324833_3612946607630483908_nSidoo kale, warkan ayaa lagu sheegay in weftiga guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee socdaalka ku tegay Kenya, ay la kulmeen wakiilada dalalka Ingiriiska, Denmark, Faransiiska, Midowga Yurub iyo Jarmalka.

Wargeysyo Kale oo iyaguna Warkan daabacay
Wargeysyo Kale oo iyaguna Warkan daabacay

“Waxaanu beesha Caalamka ka doonaynaa in ay naga caawiyaan sidii ay dalkayaga uga qabsoomi lahayd doorasho x0r ah, laguna kalsoonaan karo” ayuu Cabdiraxmaan Cirro u sheegay Suxufiga Wargeyska “The Star” ka socday isagoo ka hadlaya kulamada uu la yeeshay wakiilada dalalka qaadhaanbixiyeyaasha ah.

Warkan ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland muddo 25 sannadood ah ay ka madax banaanayd Somalia, taas oo muddadaas ku naaloonaysay xasilooni iyo nabad ka jirta, isla markaana doorashooyin xor iyo xalaal ah ka qabsoomeen, isagoo wargeysku sidoo kale sheegay in doorashooyinkii Madaxtooyada la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan 27 bisha March 2017 oo ah dhawr bilood kadib marka ay qabsoonto doorashada Madaxtinimada dawladda Federaalka Somalia.

Hase yeeshee wuxuu wargeysku mar kale qoray “Waxa la qorsheeyay inay doorashooyinku iska sii socdaan, iyadoo ay barbar soconayaa wada-hadalka midowga Somaliland iyo Somalia”.

Warkan ayaa ku soo beegmaya wakhti si weyn laysula dhexmarayey warar sheegaya kulanka Weftiga Waddani iyo Ra’iisal-wasaaraha Somalia ku dhexmaray Serena Hotel ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, inkastoo aanay weftiga WADDANI carabkooda soo marin kulankaas markii ay ka warbixinayeen socdaalkooda Nairobi oo ay ka soo laabteen.

Arrintan oo aanay ilaa hadda ka hadal masuuliyiinta WADDANI, ayaa haddana dhinaca kale haddii ay rumowdo waxay Guddoomiyaha WADDANI, ku noqonaysaa culays farabadan maadaama uu sidoo kale yahay Ninkii ugu sareeyay Sharci-dejinta Somaliland oo uu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.