WorldRemitAds

“Dadkii iyo gurigii waa caadi, cuntadii waanu karsanaynaa, dhibaataddii na haystay waa la naga qaaday…” Hooyo degan gurriga

Burco, Somaliland, December 24,2016 (Saxafi­) – Qoys magaaladda Burco ku noolaa ee maalmihii u dambeeyey laga soo sheegayay inay cuntaddii ay karsanayeen iyo biyihii ay cabayeen isku bedelayeen wax kale ama casaan oo kale ayaa wadaad wax ku dabiiba Quraanka iyo diinta oo baadhitaan ku sameeyey sida wax u jiraan waxaa uu sheegay inay arrintani tahay mid sixir ah oo loo dhigay.

Sheekh Jaamac Cismaan Axmed oo khabiir ku ah arrimaha sixirka ayaa markii uu qoyska uu quraan ku akhriyey markiiba gartay in qaab sixir loo qabtay, isla markaana dhulka wax loogu aasay, waxaanu markiiba dadkii u diray in la baadho inay jiraan meelo guriga agtiisa ah oo la qaaday oo wax lagu aasay, waxaana markiiba la arkay in dhagax hoostii la dhigay oo walxo la isku xidh xidhay uu sheekhu ka soo saaray.

SomlegalAds

Sheekh Jaamac Cismaan ayaa wixii isku xidh xidhnaa kala saaray, waxaanu sheegay in marka la kala furfuro wixii loo dhigay kala yaacayaan, isla markaana qoysku sidiisii ku noqonayaan. “Dhibaatada qoyskan haysaa waa sixir loo dhigay, markii aanu guriga docdiisa ka soo galay waxaanu nidhi meel la qoday baadha, waxaanu helay dhagax la dul saaray walxihii sixirka lagu qabtay, dabadeedna waxa naga soo baxay waxyaalo isku duuban” ayuu yidhi Sheekh Jaamac Cismaan Axmed oo siday usoo heleen sixirkan loo dhigay qoyska ka hadlaya.

Sheekh Jaamac Cismaan oo ka hadlaya sixirkan waxa uu ka koobnaa waxa uu yidhi “Waraaqdani waxay ka kooban tahay xuruuftii jinka oo la soo gaabiyey, sadex musbaar, sadex laf timireed, timo iyo malmal, intaas ayuu ka koobnaa waanu furfurnay mar hadii lafur furay wuu burayaa”.

Sidoo kale,waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qoyskii dhibaataddu ku dhacday ee cuntadooddu mar walba noqonaysay nooc kale ama cuntaddu ka xumaanaysay, biyuhuna noqonayeen dhiig oo kale, waxaanay sheegeen inay imika cuntaddii sideeddii tahay, isla markaana dhibaataddii haystay ilaahay ka dul qaaday.

“Gurigu waa gurigii ay ka dhacday dhibaataddu waana mid sixir oo ay geysteen dad saaxiriin ah waa la soo saaray sixirkii, dadkii iyo gurigii waa caadi, cuntadii waanu karsanaynaa, dhibaataddii na haystay waa la naga qaaday, dhibaato kale oo yaala ma jirto mid waalidkay geysteena ma jirto mid dhaxal ah sida dadku sheegayeena maaaha ee waxa geystay waa dad saaxiriin ah”ayey tidhi hooyo ka mid ah dadkii qoyska ahaa ee dhibaataddu ku dhacday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.