WorldRemitAds

Malta, December 24, 2016, (Saxafi) – Diyaarad siday 118 qof oo rakaab oo laga leeyahay dalka Liibiya ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay in ay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.

Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad gudaha ah.

Wararkii ugu danbeeyay

SomlegalAds

Afduubka diyaaradan ayaa ku soo dhamaatay si nabad ah. Laba Nin oo hubeysan isla-markaana, ahaa taageerayaasha hogaamiyihii la dilay ee Liibiya Muammar Gaddafi ayaa ka danbeyay afduubka.

Sawiro meel fog laga qaaday ayaa miijinayay ragan oo gacmaha kor u taagaya iyagoo aan sameyneyn wax dhaq dhaqaaq ah, markii danbana waxaa xidhay ciidamada Malta.

Dhamaan rakaabkii diyaarada ayaa si nabad ah diyaarada looga sii daayay, waxaana ay sheegeen in ragan ay ku hubeysnaayeen bastoolado iyo bambooyin.

Ra’isul wasaaraha Malta Mr Muscat ayaa sheegay in ragan oo ka soo jeeda Liibiya aanay samey wax dalab ah si ay diyaarada ku sii daayaan. “Labada nin ee afduubka geysatay waa ay xidhan yihiin waxaana ku socda baadhitaan, dhamaan rakaabkii kale ee diyaarada iyo shaqaalihii diyaarada waxbaa laga weydiinayaa dhacdadan”. Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray “Marka uu baadhitaanku dhamaado waxaan rakaabka iyo shaqaalaha u ogolaan doonaa iney ku laabtaan Liibiya, waxaa ku dari doonaa diyaarad kale oo ay leedahay shirkada Afriqiyah Aircraft.”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’isul wasaaraha

Dowlada dalka Liibiiya ayaa dhankeeda sheegtay in labadan nin ee afduubka geystay ay ahaayeen kuwa la baadi goobayay oo ka tirsanaa xisbigii Gaddafi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.