WorldRemitAds

Djibouti, Djibouti, December 24, 2016 (Saxafi) – Dawladda Djibouti ayaa sheegtay inay celinayso qaxooti Soomaali ah oo mudo dheer ku noolaa wadankeedda.

Hayada u qaabilsan arimaha qaxootiga dawlada Djibouti ayaa baryahaanba ku hawlaneyd u diyaarinta qaxootigaas sidii dalkooda Somalia loogu celin lahaa. Waxaanay sheegeen inay dadkaasi ku noqonayaan wadankoodda oo ay iyagu si iskood ah u doorteen in dib loogu celiyo.

Qaxootigan ayaa la sheegay inay degan yihiin wadanka Djibouti, isla markaana wakhtigan ay iyagu doonayaan inay wadankooda ku noqdan, isla markaana laga caawin doonno dib u noqoshadoodda.

SomlegalAds

Dadkan waxa kale oo ku jira tahriibayaal dhowaan laga soo celiyey dalka Yemen, kuwaas oo la soo mariyey wadanka Djibouti.

Guud ahaan waxaa Djibouti ku nool qaxooti ka kala yimid Soomaaliya, Yemen iyo Eritrea.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.