WorldRemitAds

Burco, Somaliland, December 24, 2016, (Saxafi) – Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono shirkadaha iska leh riigag ceelal ka qodaya deegaamada Balli-dhiig iyo Riyo-xidho, kuwaas oo aan sidii loogu talo galay u wadin shaqadii laga rabay ee qodista ceelalshaasi.

Guddoomiye Ramaax oo kormeer ku tegay deegaamadaasi, ayaa waxa uu sheegay in ay dedaalayaan oo ay u yeedhi doonaan shirkadaha leh riigaggaasi oo ay kala hadli doonaan tallaabana uu ka qaadi doonanaan isaga iyo wasaaradda qaabilsani.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Riigaas tallaano cad ayaanu ka qaadaynaa waanan u yeedhaynaa shirkaddii lahayd ee hawsha wadday, maadaama oo aan gobolka masuul ka haya labada shiradood ee riigaga iska leh waa in aan tallaabo cad ka qaado, illaa Wasaaradda go’aan cad ayaanu ka wada qaadanaynaa riigagaas, waddada aanu soo haynay illaa Qabri-huluul waad yaabaysaa waxa xoolo bakhti ah daadsan, waxaan idiin sheegayaa in xoolaha gaadhiga la saarayo la iska daayo, xoolihii la qaadaa meel kasta oo la geeyo waxba ka soo noqon maayaane war wixii degaan ahow iska degenaada halkiina oo ILAAHAY ku barya”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.