WorldRemitAds

Dalka Murutaaniya ee ku yaala afrikadda Waqooyi ayaa waxa sida warbaahintu ku warantay dhacdo layaab leh ku noqotay dadka intiisa badan, taariikhda dhalashada afar iyo labaatan wasiir iyo raysal wasaaraha dalkaas oo isku maalin dhashay, ama taariikhda dhalashadoodu ku beegan tahay 31-ka bisha laba iyo tobnaad ama December.

waxaana sanad kasta marka uu dhamaanayo dalkaas ka dhaca, xaflado waaweyn oo dadku ku xusaan maalinta dhalashadooda, waxaana mararka qaarkood ka qayb gala, dad madax ah, waana wax dhaca in wasiirada dalkaasi qabsadaan xus ay ugu dabaal degayaan maalinta dhalashadooda, taas oo dhinaca kalana ay ku soo biireen ku dhawaad boqolaal qof oo muwaadiniinta caadiga ah, kuwaas oo iyaguna maalinta ugu danbaysay sanadka miilaadiga dhalashadoodu ku beegan tahay.

Arintan ayaa si wayn u soo jiidatay dadka warka fidiya, waxaanay sidoo kale noqotay mid aad looga yaabay.

SomlegalAds

Sida telefishanka Aljazeera baahiiyay dhalashada inta ugu badan dadka reer ku dhaqan dalka Murutaaniya ayaa intooda badan ku beegan tahay bisha December gaar ahaan maalmaha ugu danbeeya, waxaana suura gal ah in dalkaas ay dhici karto in magaalo dhan ama tuulo dhan xiliga dhalashada dadka ku dhaqani aad isugu dhawaato dhamaantoodna ay noqdaan bisha December gaar ahaan maalmaha ugu danbeeya.

Sawirka Arrimaha Layaabka AduunkaMudaneyaasha Baarlamaanka dalkaas ayaa si kulul u canbaareeyay xafladaas balaadhan ee wasiiradu qabsadeen, waxaanay ku tilmaameen mid ka bad badin ah.

Dalka Murutaaniya waxa golaha xukuumadiisu ka kooban tahay 32-xubnood, waxaana xafladan ka maqnaa oo aan maalinta ay dhasheen la mid noqon kuwa kale todoba wasiir oo kaliya.

Markii qaylada xooga lihii ka soo yeedhay baarlamaanka dalkaas ayaa wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi sheegay in dawladiisu bilaabi doonto dhawaan tiro koob balaadhan ood dadka ku dhaqan dalkaas lagaga qaadayo magacyadooda, astaamaha faraha iyo hubinta taariikhda dhalashada ee muwaadin kasta, arintaas ama mashruucaas oo la sheegay inuu ku kici doono labaatan milyan oo Yuuro.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la cadayn Karin in wakhtiga dhalashada ee wasiiradani sax tahay oo is waafaqsan tahay iyo inay la xidhiidho, waraaqaha aqoonsiga ee inta badan dawladaha hoose ee dalkaasi bixiyaan oo la sameeyo qofka oo maqan ama yar, ka dibna masuuliyiinta xafiisyada diiwaan galinta muwaadiniintu isaga qoraan taariikho iyagu go’aamiyeen oo aanu qofku dhalan, waxa kale oo jirta in mar kaliya laga yaabo in intaas oo qof loo sameeyo waraaqaha aqoonsiga oo qof qudhii qoro tobanaan kun oo qof xiliga dhalashadooda iyo astaamo kale oo ka mid ah tilmaamaha gaarka ah ee qofka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.