“Waligay dawlad kama hor iman, kana hor iman maayo!” – Waraysi Gaar Ah Iyo Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Sangub”

0
PropellerAds

Qaybtii 1aad     Waraysi-qaade: Xasan Ciise Raage

Waxaa ii suura gashay in aan waraysi dheer oo dhinacyo badan oo fanka Soomaaliyeed ah aan la yeesho Abwaanka caanka ah Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Sangub” kaas oo aan ku warsaystay magaalada Jabuuti ee wadanka jamhuuriyadda Jabuuti, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Ugu horreyn abwaan Sangub, waayadii ugu horreeyey ee aad fanka bilowdeen iyo kan maanta jira maxaa kala duwanaansho u dhexeeya?

Sangub:Kolley haddee fanka isaga oo bilaaban oo jira ayaan ku soo biiray oo maanaan ahayn dadkii dhibka faraha badan ka soo gaadhay oo macallimiin ayaa nooga horraysay ka soo qaad Xuseen Aw Faarax, Cabdillaahi Qarshe, Xasan Sheekh Muuminkii dhawaan dhintay iyo dad kale oo fara badan; Cali Sugulle oo hadda Imaaraadka ku nool, waxaa kale oo jiray kuwo kale oo heesayaal ahaa, markaa annagu fanka oo dhisan oo dhibaato wayn aan la qabin ayaan nimid hasa yeeshee, wixii la abaabulaaba taran ayuu sameeyaa, annagu waxaan galnay tarankii ay dadkaasi abaabuleen. Anigu haddii aan kaaga warramo taariikhdayda, waxaan fanka ku biiray aniga oo yar, waxaanan ka soo jeedaa deegaanka Dhagaxbuur. Waayadaa horena fanka kuma biiri jirin qof wayni ee dadku iyaga oo yaryar ayay soo gali jireen, lagana yaabo in ay reerkooda ama qosykooda isku khilaafsan yihiin oo dhuumasho ayaa lagu soo gali jiray. Mar baa waxaa jirtay in aan hablahayaga magacooda aan qarin jirnay. Waad aragtay Guduudo Shamis baa la yidhaa, Baxsan Saynab baa la yidhaa, naxariistii Allah ha siiyee Magool Xaliimaa la yidhaa, Dalays Khadiijaa la yidhaa, adigu yaanan kugu daaline Duniyo Xareedaa la yidhaahdaa.

Su’aal: Markaa waxay ahaayeen magacyo aad ku qarinayseen si dadku aanu u fahmin?

Sangub: Haa waxaan rabnay in aanay dhibta dadku ku badan, sidaas waxaad ku garanaysaa waxani in aanu ahayn wax ay Soomaalida qadiim ku ahayd, waayo waxaa laga yaabaa gabadha Soomaaliyeed ee boodaysa in ay aabbaheed iyo walaalladeed oo jooga ragga u soo marto oo ay booddo gabadhu, maanta oo dhan way ciyaaraysaa oo nimankaas ayay isku jejibinaysaa oo kaa dhib looma arkayn, caawa oo dhan ayay sidaa ahaanaysaa oo waaga ayaa ku baryaya oo uma aanay arkayn dhib, markaa ma muyuusigga ayaa dhibka keenay? Ma goor danbe ayay baraarugeen? Ma kala garanaysid ciyaar walbana inammo iyo gabdho ayaa ciyaara oo ma jirto mid ay qolo gaar u leedahay.

Marka aan arrintaa sii falanqeeyo, fankii hore waxa uu ahaa mid jirrid leh oo ah in uu nabad galiyo hiddaha Soomaaliyeed oo raggii waxan soo aasaasay waxay doonayeen in ay dadka iyaga waddada fiican baraan, annaguna taa waxaan ku ahayn heshiis, oo qofba qofka uu ka danbeeyo ayuu tixgalin jiray oo macallin odhan jiray. Dee maanta waad aragtay oo qofku wuu iska soo galayaa oo cajalad buu heesihii ka dhegaysanayaa isaga oo aanay cidi u fasaxin. Kii laxanka sameeyey ma weyddiinayo, kii sameeyayna ma weyddiinayo, kii qaadayayna ma weyddiinayo, kii u tumayayna xataa ma weyddiinayo, markaa waxaad mooddaa in uu intaas oo qofba ka kaaftoomay, xataa kii saxa ahaa oo wax saxa ah hayay.

Waxaa kaaga daran dadka Soomaaliyeed ma yaqaannaan waar waxan hebel baa noo tumayay ama noo qaadayay ee waar naga daa ee isaga (qofkan iska qaaday) ayaa loo aqoonsanayaa. Aroosyada ayuu ka qaadayaa, oo idaacadihii ayuu ka qaadayaa, oo loo mashxaradayaa, oo xataa idaacaduhu ma odhanayaan waa tii hebel qaadayay oo keydkiisa ayay ku jirtaaye saara. Kollayna waxa uu ahaa wax nidaam leh, oo la kala leeyahay, oo dawladi kala waddo, oo sharci ku kula socda, oo alaab dawladeed la isticmaalayo, oo kala danbayn iyo nidaam leh, oo inta badan garab iyo waxa ilaaliya ba leh. Laakiin hadda ma laha wax daryeela iyo wax ilaaliya toona, mar haddii muyuusig loo tumayo yaa lehba laysama odhanayo. Markaa waxaad mooddaa in ay aad u kala fog yihiin oo farqi wayni u dhexeeyo labada xilli; ama fankii hore iyo kan maanta.

Su’aal: Waqtiyadii 1960 iyo 1970meeyadii, waxaa la odhan karaa waa casrigii dahabiga ahaa ee fanka Soomaalida. Markaa kooxiihii faraha badnaa ee jiray sida Horseed, Waaberi, Jenaraal Daa’uud iyo kuwo kaleba kooxahaas faraha badan leh ma dawladda ayaa samaysay, mise iyaga ayuun baa is-abaabulay oo iskood iskaga samaysmay?

Sangub: Way jirtay waqti hore oo 1960meeyadii ah amaba ka horraysay iyo waqti ka danbeeyayba waxa jiray dad is-abaabulay oo aan cidna waxba la qaban oo samaysmay oo si fiican wax u waday. Laakiin waqtigii ay soo gaadhay lixdameeyadii waxaa usha u waday dad shaqaale ah oo markaa qofka aan shaqaale dawladeed ahayn waxbaba ma samayn karayn. Dabadeedna waxaa laga miidhan jiray dadkaa marba ciddii ka soo dhex baxda. Waad ogayd heesihii hir galay. Qayb weyn ayay ka qaateen. Kooxuhuna waxay kala ahaayeen qaybo. Fanku markii uu hirgalay ee uu yeeshay qaybo kala duwan ee uu dhoofay isla markaana yeeshay qalab casri ah ama uu yeeshay golayaal lagu tumo oo qaraami la soo tumo, lixdan iyo dhawrkii ayaa ay bilaabantay in ay dawladda u  shaqeeyaan. Markaa waxaa ugu xoog badnaa waagaa koox la odhan jiray Xoogga Dalka oo aniguna aan ka mid ahaa. Waxa taa ka horraysay koox la odhan jiray Raadiyo Muqdisho, waxaanay u badnaayeen dad badan oo dhar cad ah oo dagaalkii 1964kii ciidamada lagu daray markii aan dagaalannay innaga iyo Axmaardu. Waxa kale oo nalagu soo daray Baxsan iyo Cusmaan Aadan Xuseen oo markaa ayaan bilawnay riwaayado in aan dhigno. Markaa kooxdaas ooJeneraal Daa’uud la odhan jiray ama Xoogga Dalka iyo tii Raadiyo Muqdisho iyo tii kale ee Raadiyo Hargeysa ayaa laysku daray oo loo bixiyay Waaberi.

Intaas waxaa laysku daray markii Kacaankii dhashay intii kalena waxaa laga kala dhigay Halgan waxay ahayd kooxdii guulwadayaasha, Heegan na waxay ahayd Booliska, Iftiin waxaa lahayd waxbarashada, Danwadaahaga waxay laaheen koox iyaguna, markaa sagaal kooxood ayaa nasiib u helay in la sameeyo, qaarna ha ahaadaan qaran, qaarna hay’ado kale gacanta ha ku hayaane.

Kooxda Waaberi ee aan ka tirsanaa waxay ahayd kooxda qaran ama hooyada fanka aniguna iyada aan ka mid ahaa. Markaa fanku waxa uu booday oo aad u hirgalay markii Kacaanku dhashay oo la sameeyay muyuusig casri ah ama mid dibadda laga keenayba la tumay.

La soco qaybo kale oo Waraysigan ka mid ah…..

Wixii dareencelin ah fadlan ku dir cinwaanka Waraysi-qaadaha: xasanhaaruun@gmail.com

 [1] FG: Waraysigan waxaan qaaday 2007 kii oo aan abwaanka kula kulmay guri uu Jabuuti ka degganaa

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.