Wasiirka Madaxtooyadda Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedeyntii Ay U Soo Jeediyeen Mucaaradku
Hargeysa, Somaliland, July 7, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey eeddo culus oo ay xisbiyada mucaaradku usoo jeediyeen xukuumadda, isla markaana u soo jeediyey inay wararka iska hubsadaan.