WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 8, 2016 (Saxafi) – “Xirsiyow dadkeenu mucaarid bay ku fiican yihiin, sidaas waxa yidhi guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha, ahna Musharaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay in ay dadka reer Somaliland badankoodu ku wanaagsan yihiin marka ay mucaaridka yihiin, balse marka ay talada qabtaan maskaxda badh ka tagto, waxaanu Faysal tusaale u soo qaatay Xirsi Cali X. Xasan oo uu sheegay in markii uu Wasiirka ahaa ee uu Xukuumadda Axmed Siillaanyo ka tirsanaa Maskaxdiisa badh ka maqnaa, halka maanta oo uu Mucaarid yahayna maskaxdiisu u dhamaystiran tahay.

SomlegalAds

Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyay kulan lagaga doodayey arrimaha dib u dhiga ku keena doorashooyinka Somaliland oo ay dalada Sonsaf soo qabanqaabisay shalay ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka dimoqraadiga ah ee asxaabta siyaasadda ay Somaliland ku degdegtay isla markaana aasaaskii nidaamka dowladeed dhismaheeda aan la dhamaystirin, waxana hadalka guddoomiyaha ka mid ahaa oo uu yidhi: “Inago xarumihii dhisin ayeynu ku dhaqdhaqaaqnay nidaamka asxaabta badan ee siyaasadda iyadoo dadkeenu 90%  waa reer guuraa oo hadda magaalo ugu horayso, waxa qofka loo doorto ma yaqaanaan, dimoqraadiyad ma yaqaanaan, xilkooda ma yaqaanaan iyo asxaabtaba ma yaqaanaan, waa kuwaa maalin kasta xisbi gelaaya ee sidii shimbiraha u duul-duulaya.

Dimuqraadiyadda Somaliland inaynu barbardhigno dimuqraadiyadda reer galbeedka oo aynu ka doono inay noqoto ta UK oo kale horta waa doqoniimo, waayo 90% dadkeenu waa jaahiliin waxbana ma akhriyaan waxbana ma qoraan. In dimoqraadiyadda loo ogolaado may ahayn, waxa ay ahayd in xarumaha dowliga ah loo dhiso, inagaa ku tacadinay nidaamka geedi socodka dimoqraadiyada, waxa weeye dhibaatada ugu weyn ee ina haysataa waa fulin la’aanta, mar kasta ba (Executive insufficiency) iyo wax-qabad la’aan (incompetence) oo inagu abuuran ummad ahaan ba. Waxa kaloo inoogu wacan waxa weeye dastuurkeena oo ay ka buuxaan madmadow (ambiguity) oo aan cadayn ama clear ahayn, in marka qodob kasta Madaxweyne kasta sida uu doono u isticmaalo, waxaad moodaysa inaynu af Somali ka dhigno ayey ahayd. Waxa kaloo ina dilay oo markii hore lagu faani jirey in nidaamka casriga ah iyo nidaamkii soo jireenka ahaa isku darnay waa lagu dhigtaa imika maadada social science Somaliland model, waxa lagu dhigtaa in ay mataanaysay labada nidaam, laakiinse imika cudur ayey nagu noqotay guurtidu.

Guurtidu marka la yidhaahdo doorashadii ayaa la gelayaa ma oga in beesha caalamka wax inala leedahay oo adduunku wax inala leeyahay ma garanayaan, Xaaji Cabdi ma garanayo qaadhaan bixiyeyaal ayaa jira. Waxa aynu u dhibnay taladeenii oo aqalka ugu sareeya dad aan waxna akhriyin waxna qorin, beri baa lagu yidhi marka la idiin keeno sharciga ama xeerka waxba ma akhirdaan waxbana ma qortaane maxaad ku garataan in aad ogolaataan iyo in aad diidaan, waxay yidhaahdeen golaha Madaxweynaha oo fadhiya ayaanu nidhaahnaa ma ogolaanaa mise waanu diidnaa.

Horta aad ayuu u fiican yahay Xirsiyow aad ayaan u soo dhoweeyey, horta dadkeenu mucaarid ayey ku fiican yihiin marka xafiiska uu fadhiyo maskaxda badh-baa ka tagta ma ogtahay. Dababeeto taladii ayey ka rawixisay macnaha intii hore ma hayo markii uu wasiirka ka ahaa, dawladda Axmed Siillaanyo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.