WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 8, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran, ayaa shalay kulan la yeeshay Guddida doorashooyinka qaranka, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka iyo sida loogu diyaar garoobayo doorashooyinka soo socda ee madaxtinimada ee u qorshaysan inay dalka ka qabsoonto bilowga sannadka soo socda ee 2017.

Kadib markii kulankaasi dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyey arrimihii lagaga hadlay kulankaas madaxda saddexda xisbiga, waxaanay ka warameen siday u arkaan hawlaha doorashooyinka iyo diyaar-garowgooda.

Ugu horeyn Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo sharaxaya kulanka dhexmaray iyo guddida doorashooyinka waxa uu yidhi “Maanta [shalay] kulankan aanu yeelanay waxa uu ahaa kii caadiga ahaa, had iyo goorna wada tashi ayaa naga dhaxeeya guddida doorashada warbixintii u dambaysay  ayey na siinayeen aad ayaanay u wanaagsan yihiin arimuhu, wax ka qabyo ahina ma jiraan, jadwalkoodii ayaanay ku socdaan, anaguna waanu barbar taaganahay wixii dhibaato ah ee ka hor yimaadana waanu iskaga imanaynaa intaas ayuu kulankayagu la xidhiidhay waxaanan ku balanay in kulan dhakhso ah layskaga yimaado kolba wixii soo kordha.”

SomlegalAds

Guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ak hadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid joogta ah oo kolba marka muddo joogaan iska xaal waraystaan habka hawluhu u socdaan, waxaanu yidhi “Guddida doorashadu warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay hawlahoodu ku socdaan jadwalkii oo ay hada bilaabayaan daabacadii kaadhadhka, marka ay dhameeyaana ay u qaybinayaan gobolada oo ay marba laba gobol is raacinayaan, waxay noo sheegeen in doorashadu aanay wakhtigeedii dhaqdhaqaaq lahayn oo ay halkeedii  tahay, waxay noo sheegeen in doorashadu qorshaysan tahay wakhtigeedii hawshuna meel fiican marayso  oo aanu wax warwar ahi jirin anaguna waanu garab taaganahay ilaahayna wax dhibaato ah inaguma keeno.”

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cismaan Afgaab oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Sida ay sheegeen guddida doorashadu,  xisbiyada waa loo yeedhaa mar kasta oo shaqo xidhmayso ama shaqo bilaabmayso, waxaanu la wadaagnaa shaqada markaa soconayso, sidaas darteed guddida doorashadu waxay sheegeen in jadwalku sidiisii yahay hawshuna ay sideedii ku soconayso kaadhadhka daabacaadooduna ay hada bilaabmayso markaa wuxuun bay ahayd inay xogtan na soo gaadhsiiyaan xisbiyaduna way la qaateen.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.