WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 8, 2016 (Saxafi) – Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee hore uga soo jabay xisbiga UCID ayaa mar kale sii kala jabay, waxaanay qayb ka mid ah garabkii Jamaal sheegeen inay ku biirayaan xisbiga WADDANI.

Guddi uu Jamaal Cali Xuseen u magacaabay wada hadaladda xisbiyadda ay ku biiri doonaan ayaa iyagu sheegay inay ku biiri doonaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, kuwaas oo hore u sheegay inay gebi ahaanba joojiyeen wada hadalkii u socday xisbiga KULMIYE. Hase yeeshee, warar kale ayaa sheegaya in Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale oo la socdaa wada-hadal weli kula jiraan Xisbiga KULMIYE oo ay u badan tahay inay ku biiraan.

Kooxdan ka sii jabtay garabkii Jamaal Cali Xuseen ayaa waxay sheegeen inay ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana hadaladoodda ka mid ahaa “Sida aad  ogaydeen muddo laba bilood ah ayaanu wada hadal la furnay laba xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI waxaanu ahayn guddi loo xil saaray wadda hadaladaasi,  anagoo nus dambeedkii xisbiga oo aanu la kulanay shalaytoole (doraad) ayaanu kula soo noqonay natiijaddii wixii aanu kala soo kulanay labada xisbiba. Waxa muuqanaysa intii xisbiga ahayd nus-dambeedka ee ina diirtay in ay isu timaado maanta (shalay) ayey ahayd balantu in la qabto, oo waanu joogna tafaashishii hadalka iyo waxyaabihii lagu gunaanaday waxa aanu ku wareejin doona xoghayaha xisbiga.”

SomlegalAds

Xoghayihii xisbiga UCID ee Garabka Jamaal Cali Xuseen, Mr: Aadan Suldaan Cabdiraxmaan, oo hadalka la wareegay ayaa waxa uu yidhi “Sida aad ogaydeen muddo badan oo laba bilood ah ayaanu ku soo jirnay hawsha oo aanu dhinac walba ka eegnay, labadii xisbi waanu la soo kulanay aad iyo aad baanu u falanqeynay anagoo wakhti badan siinay qolo walba waxa ay wadankan ay ku hogaaminayso ama ku maamulayso dalkan, go’aanka aanu isla qaadanay ee aanu isla eegnay ee nus-dambeedka kula soo noqonay waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanu u badino sida ay uu kala badan yihiin oo ah in xisbiga Wadani anagu hadaanu nahay garabkii Jamaal Cali Xuseen, waxa aanu ku biiri doonaa oo wax yari nooga hadhsan tahay gabo gabaddii xisbiga WADDANI.Intaas ayaanu ku soo gebagabaynaa oo aanu isla qaadanay markaanu dhinac walba ka eegnay aqlabiyad ahaan iyo muuq ahaan isla eegnay, ayaanu ku soo gabagabayney go’aanka”.

Hase yeeshee, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo khadka telefoonka kula xidhiidhay weriye Khadar Macalin Deeq ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay guddidaasi uu ku kooban yahay xubnahaasi hadlay, waxaanu yidhi “Runtii way deg-degeen raggaasi, gudidii ayaa kala jabtay, Markaa inay nimankaasi deg degaan oo dadka afduubaan may ahayn, markaa meel aanu ku biirnay ma jirto oo aniga ayaa ah hogaamiyihii. Markaas waa inaan go’aan qaataa haddii la kala jabay sidaas ayaan ku wargalinayaa, laakiinse go’aan garabkayga ah maaha  go’aankaasi waa go’aan shakhsiyaad ka mid ah garabkaygii haddii ay go’aan qaateena iyaga ayay jirtaa.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.