WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 8, 2016 (Saxafi) – Shir dib loogu eegayo hanaanka ama nidaamka doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan sababaha keena in doorashooyinka Somaliland mar walba dib uga dhacaan xilliyadooddda loo qoondeeyey ayaa shalay lagu qabtay hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Dalladda ay ku midoobeen ururrada bulshada ee aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa waxa ka soo qaybgallay Hogaanka sare ee SONSAF, Guddiga Doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasadda, Jaamacadaha dalka, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Haweenka, iyada oo aanay madashaasi ka maqnayn bahda oday-dhaqameedka oo madashaas lagu arkayey koofiyadaha dhaqanka oo farabadan oo kuraasta soo camiray.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka soo qaybgallay qaadhaan-bixiyayaasha iyo waxa loogu yeedho beesha caalamka “intertional Community” kuwaas oo khudbado kala duwan kaga qaybgalay shirkaasi.

SomlegalAds

Agaasimaha Dalladda SONSAF Maxamed Axmed Maxamuud “Barawaani” ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan iyo qodobadda diiradda lagu saarayo waxaanu yidhi: “Waa maxay sababaha keena inay markastaba doorashooyinka Somaliland dib uga dhacaan wakhtigoodii loogu talo galay sharci ahaan? Maanta waxaynu shirkeenan kaga falanqoonaynaa inaynu isla eegno sababihii keenay inay doorashooyinkeenu marwalba wakhtigooda sharcigu u qoondeeyey dib ugaga dhacayaan.”

Mr Barawaani waxa uu sheegay  inuu ku faraxsanyahay inay madashani kulmisay aqoonyahano iyo wax garad faro badan si ay isula eegaan isla markaana uga doodaan madashan qodobo muhiim u ah masiirka ummadda Somaliland, isaga oo arrimahaas ka hadlayeyna waxaa uu yidhi: “Runtii maanta aad baan ugu faraxsanahay inaynu halkan isugu nimaadno si aynu islula falanqyano qodobo muhiim ah oo ku saabsan masiirka Somaliland. Waxaan aaminsannahay runtii inaad tihiin dad aqoonleh  waxaanan ognahay inay Somaliland qaadatay nidaamka xsibiyada badan “multi party system” runtiina nidaamkaa wax badan baa laynagu soo amaanay marka la eego ka African ahaan inaynu qabsanay doorashooyin u dhacay si nabad ah taana waxaa ka makhraati kacay dadkii kormeeerayaasha ahaa ee dusha kala soconayey habkii ay doorashadu u dhacaysay oo ku tilmaamay heer caalami oo kale inay ahaayeen doorashooyinkii inoo dhacay marka dib loo eego qodobadaasina waxay ahaayeen kuwo si fiican u dhacay.”

Dhanka kale Mr Barwaani waxa uu xusay inay jiraan qodobo cabaqabado ku ahaa doorashooyinkaasi inna soo maray, kuwaas oo ay kamid ahaayeen sida uu sheegay dib dhaca ku yimaadda markastaba doorashooyinka Somaliland. “Shirkeenan maantana waxaa gundhig u ah inaynu dib isula eegno oo shirka qaybtiisa hore ay diiradda saaraysaa sababaha keenaya inay doorashooyinka dib u dhaca” ayuu yidhi Mr. Barawaani.

dsc05005-682x1024Gudoomiye ku xigeenka Dalladda SONSAF Marwo Aamina Faarax Caarshe oo halkaa ka hadashay waxay ka warantay arrimaha domoqraadiyadaynta, siyaasadda Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, iyadoo  tilmaantay inay doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhacooda ku yimaaddaa qayb ka yihiin caqabadaha ay Dimoqraadiyadda Somaliland la gabi dhacayso.

Intaas ka dib waxa halkaasi ka hadlay saddexda xisbi qaran, guddida doorashooyinka iyo xildhibaan ku hadlayey afka golaha Guurtidda

Faysal Cali Waraabe oo isaguna munaasibaddaas ka hadlayey ayaa yidhi “Anaga iyo Madaxweyne Axmed Siillaanyo mucaarad baanu wada ahayn, anagoo mucaarad ah ayaa Madaxweyne Rayaale golaha guurtiddu afar sanno u kordhiyeen, waxaanu aniga iyo Siillaanyo ku heshiinnay in kolba kii soo baxa ee Madaxweyne noqdaa uu xaliyo oo uu doorashada wakhtigeedda dhacdo, wakiiladdu waxay dhacayeen 2010-ka waxaanu aragnay saddexdii oo heshiiyey oo intay waraaq soo qorteen leh baarlamaanka ha loo soo kordhiyo, waxay kordhisteen laba sanno iyo siddeed bilood iyo qoladda kale oo loo kordhiyey saddex sanno iyo sideed bilood, halkaasi waxa ka dhacay saaxiibtinimo saddexdii aqal ah (Wakiiladii, guurtiddii iyo xukuumaddii), guurtidi aanu doonaynay in aanu bedelno ayaa lagu yidhi ka soo tallo bixiya muddo kordhintiinii”

Waxa isna halkaas ka hadlay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X. Xasan, waxaana hadaladii doodiisa ka mid ahaa oo uu yidhi: “Haddii sababi timaado doorashada wakhtigeedii lagu qaban waayo waxa weeyi in guddida doorashooyinka loo daayo oo la yidhaahdo goormaad ku qabanaysaan, haddii cidda doorashooyinka xaqa u leh u dirno iyaga kordhinaya oo garanaya wakhtiga uu doorashadda qaban karo, anigu waxaan odhan lahaa qodobka odhanaya guurtiddu ha qiyaasaan muddada doorasho la qabanayo hala bedelo oo farsamo ha loo daayo oo xeer fasiraya ha laga soo saaro haddii doorashadda la qaban kari waayo nidaamkaasi ayaa la marayaa, tusaale ahaan guddida doorashooyinka ayaa soo cayimaya maalintii doorashaddu dhici lahayd.”

dsc04979-1024x682Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE. Axmed Cabdi Dheere, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Xisbiyaddu kama jawaabi karaan waxay doorashadu dib ugu dhacday ee waxa ka jawaabi kara baarlamaanka, xisbiyadda qarankuna iskumay iman oo waxay gaadhay in illaa maxkamad gaadho. Maanta waxaynu leenahay guddi doorashooyin, saddexdii xisbina way jiraan, aqoonyahankiina wuu joogaa, ee waa inaynu ka wada tashano si kuwo dambe inoogu hagaagi lahaayeen oo dib u dhac dambe inoogu iman”.

Xidhibaan Sahal Iidle oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa iska leexiyey eeddo xisbiyadda qaarkood u soo jeediyeen inay muddo kordhinta sabab u yihiin golaha Guurtiddu, isagoo eedaasi iska leexinaya waxa uu yidhi “Guddida doorashooyinku inay qabtaan oo cayimaan iyagay shaqadooda tahay, haddii ay wakhtigeedda ku qabsoomi waydo waxay u soo qorayaan xukuumadda, xukuumadduna waxay u soo gudbinaysaa golaha Guurtidda, golaha Guurtiduna sida dastuurku sheegay uun buu ka yeelayaa, waxaynu ogsoonahay inaanay bilaa sabab dib ugu dhici, ee mar walba sababi jirto, sidaas darteed bulshadeenu diyaar ma u tahay in aanay doorashaddu dib u dhicin marka horeba.”

Waxa kale oo isaguna dhankiisa ka hadlay gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxaanu yidhi “Waxaanu dhamaystirnay wejigii koowaad oo ahaa diiwaangelintii, waxaanu ku jirnaa wejigii labaad oo ah daabacadda kaadhadhka oo dadkii la gaadhsiiyo, waxaanu diyaarinaynaa in sabtida soo socotaba diyaarino in la qaybiyo kaadhadhkii.”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.