WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 8, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in shaqaddoodii loo igmaday ay ku taagan yahay balse arrimaha abaaraha ee jirta u baahan tahay in tallo qaran laga yeelo inay doorashaddo dhacdo iyo in kale wakhtigii loo qorsheeyey.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo shalay waraysi gaar ah siiyey telefishanka Star TV ayaa sheegay in diyaar u yihiin inay doorashaddu wakhtigeedda dhacdo balse abaarta jirtaa saamayn ku yeelan karto in doorashadu dhacdo wakhtigii loo cayimay.

Mar uu ka jawaabayey in doorashaddu dhici karto wakhtigii loo asteeyey waxa uu yidhi “Farsamo ahaan qorshahayagii waa halkiiisii, qorshihiina waanu ku jirnaa in aanu gaadho jidkii lagu gaadhi lahaa in 2017 doorasho qabsoonto oo noqon doonta mid xor oo xalaal ah”

SomlegalAds

Mar wax laga waydiiyey abaarta dalka ka jirta inay saameyn ku noqon karto iyo ina kale waxa uu yidhi “Anagu dadka ayaanu ka mid nahay, farsamo ahaan waanu qabanaynaa baanu nidhi, laakiin abaartuna ilaahay ha inaga soo jabiyee waa arrin u taalla qaranka, markaa in laga wada tashado ayey noqonaysaa arrintaasi, laakiin hawshii loo igmaday guddida doorashooyinka la odhan maayo wuu gabay ee waanu wadnaa waana u taaganahay shaqaddii”.

Mar la waydiiyey  in lagu dhaliilo in  aanay shaqadaasi doorashooyinka ka soo bixi karin, waxa uu gudoomiyuhu kaga jawaabay “Labada sannadood ee aanu joognay wax badan waanu qabanay haddii aan la iska indho tirayn shaqadan aanu qabanay oo diiwaangelintii wax yar may ahayn ee aanu dalka oo dhan ka qabanay, waxay ahayd wadankii ugu horeeyey ee isha bu’deeda la sawirayo adduunka, markaa taas ma la odhan karaa waxa qabtay komishan jilicsan, waa maya ayaa odhanayaa taas.”

Sidoo kale, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in maalinta Sabtidda ay daabacaddii iyo qaybintii kaadhadhka ka bilaabi doonaan gobolka Awdal iyo Gobolka Togdheer, kuwaas oo guddida doorashooyinku u kala bixi doonaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.